Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo soo xiray shirka Guddiga sare mashruuca horumarinta waddooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Howlaha Guud XFS oo soo xiray shirka Guddiga sare mashruuca horumarinta waddooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cilmi Maxamed Nuur, ayaa maanta soo xiray shirkii guddiga sare ee mashruuca horumarinta waddooyinka Soomaaliya. Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirrka Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska XFS iyo kuwa dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.

Shirka ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed ay isku raaceen ka qaybgalayaashu, kaas oo ku saabsan qodobadii lagu gaaray gunaanadka. Mashruuca horumarinta kaabayaasha waddooyinka dalka ayaa haatan u gudbaya wejiga dhismaha waddooyinka halbowlaha ah ee muhiimka u ah isku socodka bulshada, ganacsiga gudaha iyo dibaddaba.

Related posts

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026
Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026

Waxaa lagu dhawaaqay in maalinta berri ah la saxiixi doono qandaraaska dhismaha waddada isku xirta Dhuusamareeb–Qaridhi oo dhererkeedu yahay 60 km. Sidoo kale, howlaha dhismaha waddada Gaalkacyo –Xarfo (67 km) ee Puntland ayaa meel wanaagsan maraya, iyadoo la filayo in goor dhow la saxiixo qandaraaska rasmiga ah.

Dhanka kale, waxaa gebogebo ku dhow howlaha qandaraas bixinta ee daraasadda waddada isku xirta Beled-Xaawo–Luuq–Doolow, halka qandaraas bixinta jidka Gaalkacyo –Hobyo (100 km) ay si habsami leh u socoto, laguna talo jiro in si dhakhso ah loo soo afjaro.

Guddigu waxa uu sidoo kale ku heshiiyey in la tixgeliyo Dawlad-goboleedka cusub ee Waqooyi-bari Soomaaliya marka la dooranayo waddooyinka cusub ee lagu dari doono mashruuca. Intaa waxaa dheer, waxaa la isla gartay in lagu daro hawlaha socda adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin tayeynta wasaaradaha, sahayda iyo howlaha farsamo ee ku xeeran mashruuca, iyadoo lagu shaqeynayo miisaaniyadda la heli karo.

Ugu dambeyn, guddigu waxa uu go’aamiyay in shirka xiga lagu soo bandhigo horumarka iyo natiijooyinka la gaaray, si loo dardar geliyo hawlaha socda ee horumarinta kaabayaasha waddooyinka dalka.

 

Previous Post

Taliska Booliska oo la kulmay Aabe iyo hooyo Soomaaliyeed oo loo geystay fal xadgudub ah

Next Post

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay Dhaxal-sugaha Kuwait

Next Post
Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay Dhaxal-sugaha Kuwait

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay Dhaxal-sugaha Kuwait

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si...

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026
0

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In