Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin ayaa maanta xarunta Wasaaradda kulan Isbarasho iyo xog-wareysi kula yeeshay Hoggaanka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.
Maareeyaha guud ee Hey’adda Isgaaraiinta Qaranka mudane Mustafa Yaasiin Sheekh iyo Maareeye ku-xigeenka mudane Axmed Cali Salaad ayaa Wasiirka warbixin guud ka siiyey howlaha shaqo ee ka socda Hey’adda.
Maareeye Mustafa ayaa sheegay in Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ay qabtay shaqooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Xeer-nidaamiyaha xaqiiqjinta Macaamilaadka Maaliyadeed iyo Hubinta Tayada Isgaarsiinta, Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah, hirgalinta Xarunta Howlaha Kormeerka Hirarka iyo adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo shaqooyin kale oo badan.
Wasiir Maxamed Soomaali ayaa ugu horeyn u Mahadceliyey Hoggaanka Hey’adda dadaalka shaqo ay wadaan, waxa uuna ku dhiirigaliyey in ay sii labo jibaaraan shaqada ay u hayaan Qaranka.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo hoostimaado Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada waxa ay Mas’uul ka tahay fududeynta horumarinta, maamulka iyo nidaaminta isgaarsiinta Dalka.