Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo la kulmay Shaqaalaha Wasaaradda “SAWIRRO”

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo la kulmay Shaqaalaha Wasaaradda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta ee xukuumadda Mudane Daahir Maxamuud Geelle iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Xildhibaan Aadan Isaaq ayaa maanta kulan la qaatay Shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska.

Kulankaan oo ahaa mid isbarsho ah oo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Madaxda cusub ay isku baranayeen ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay Agaasimaha waaxda Shaqaalaha iyo Tababarrada Mudane C/rixiin Ciisow Caddow isagoo wasiiradda u sharaxay tirada shaqaalaha wasaaradda iyo waaxyaha kala duwan oo ay ka shaqeeyaan.

Related posts

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

March 7, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

March 7, 2026

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda Mudane Aadan Isaaq ayaa uga mahadceliyey shaqaalaha soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen iyo howsha culus oo ay u haayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku shaqayn doonto  Laba Tiir oo udub dhexaad u ah guusha Qarannimada Soomaaliya.

“Labada arrimmood ee aan xoogga saari doonnaa ayaa kala ah sidii aan uga shaqeyn lahayn nabaddeynta iyo kor u qaadidda aragtida dowaldda ee nabad ku wada noolaanshaha dalka, halka Tiirka labaadna uu yahay in ay is akhbalaan bulshada Soomaaliyeed, taas oo fure weyn u ah mideynta shacabka Jamhuuriyadda”, ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Shaqaalaha ayaa lagula dardaarmay in ay dhowraan ammaannada ay Qaranka u hayaan, isla markaana  hoggaanka cusub ee wasaaradda uu la imaan doonaan isla xisaabtan ku saleysan caddaalad iyo hufnaan.

Ugu dambeyn wasiirka oo ay su’aallo weydiiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa ballan-qaaday in ay u istaagi doonaan sidii loo horumarinta lahaa Warbaahinta, kaabeyaasha wasaaradda farriinta shaqaalahana uu gaarsiin doonnaa madaxda sare ee dalka.

S/Q Maxamed Feereysane

Previous Post

Ra”iisul Wasaare kuxigeenka Dalka oo soo xiray tartankii Qaran ee Qur’aan aqriska

Next Post

Rivaldo oo ka hadlay saxiixa cusub ee United Fred

Next Post
Rivaldo oo ka hadlay saxiixa cusub ee United Fred

Rivaldo oo ka hadlay saxiixa cusub ee United Fred

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya Sareeye Guuto C/risaaq Maxamuud Xaaji (Qaloombi), ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Qaran ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT),...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray dalka Tanzania

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray dalka Tanzania

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Arusha ee...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ciidanka Qaranka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In