Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Kalluumaysiya XFS iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Kalluumaysiya XFS iyo wafdi uu hogaaminayo  oo gaaray Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan oo ay wehliyaan Wasiirada Kalluumeysiga ee dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Koofurgalbeed, Jubbaland iyo Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gaaray magaalada Dhuusamareb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo uu ka qabsoomayo shirka 3-aad ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Galmudug Mudane Garaad Yuusuf, Wasiiro ka tirsan Dowlad Goobleedka Galmudug iyo marti Sharaf kale ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareb.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

January 22, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026

Intaa kadib Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Ciid ayaa Wasiirka ku soo dhaweeyey Madaxtooyada Galmudug halkaas oo ay ku yeesheen kulan kooban oo ku saabsan ujeedka socdaalka Wasiirada heer dowlad goboleed iyo Wasiirka Kalluumeysiga ee heer Federaal.

Wasiir Axmed Xasan Aaden ayaa Dhammaan Wasiirada, madaxda kale iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Ciid uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey.

Magaalada Dhusamareb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa si rasmi ah uga furmaya shirka 3aad ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga kaas oo diiradda saaraya hirgalinta iyo ka faa’ideysiga waara ee Kalluumeysiga.

 

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Siihayaha Safaaradda Liibiya xoojinta xiriirka labada dal

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay James Swan

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay James Swan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay James Swan

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

January 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar,...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In