Thursday, December 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliiyadda XFS oo daah-furay Miisaaniyadda Dowladda ee 2024-ka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliiyadda XFS oo daah-furay Miisaaniyadda Dowladda ee 2024-ka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad si heer sare ay u soo agaasintay Waaxda Maasiyadda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige, Xildhibaano mas’uuliyiinta Hay’adaha Dowladda, Runta Ganacsiga, Bangiyada gaarka loo leeyahay culimo iyo qeybaha bulshada ayaa lagu soo bandhigay Miisaaniyadda dowladda ee 2024

Agaasimaha Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda Axmed Cabdi Aadam ( Iraadi) oo soo dhoweeyay ka qeyb galayaasha ayaa si kooban u sharxay Miisaaniyadda dowladda ee 2024.

Related posts

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

December 18, 2025
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

December 18, 2025

Sheekh Cali Maxamuud ( Sheekh Cali Wajiis ) Prof Ciise Maxamuud Xalane agaasime ku xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Axmed Nuur Cabdi oo ku hadlay Afka Bangiyadda gaarka ah ayaa bogaadiyay horumarka dowladda ee Miisaaniyadda oo ka badan 1 Bilyan iyo koror dakhliga dowladda oo sanadkii tagay kordhay 25%

Dr Cali Yaasiin Guddoomiye ku xigeenka Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in horumarka Maaliyadda ku yimid dib u habeynta iyo wadashaqaynta hay’adaha Maaliyadda Qaranka oo ay udub dhexaad u tahay Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo daah furay Miisaaniyadda dowladda oo ah Hal Bilyan iyo 79 milyan oo doolar ayaa dul istaagay horumaraada la taaban karo sida guusha Dayn Cafinta ee la gaaray, kororka Miisaaniyadda iyo dakhliga  dowladda.

Wasiir Biixi ayaa tilmaamay Iinkastoo dowladdu  horumaro waa weyn ka gaartay haddane ay soo kordheen caqabada Dibadda oo ay ka mid tahay faragalinta iyo damaca qaawan ee dowladda Itoobiya ku doonayso badderna oo ay tahay in wadajir looga hortago.




Previous Post

Saddex ruux oo ku geeriyootay naftii halige isku qarxiyay goob lagu shaahiyeeyo

Next Post

Garsoore Cumar Cartan oo caawa dhex-dhexaadin doona kulan ka tirsan Qaramada Afrika

Next Post
Garsoore Cumar Cartan oo caawa dhex-dhexaadin doona kulan ka tirsan Qaramada Afrika

Garsoore Cumar Cartan oo caawa dhex-dhexaadin doona kulan ka tirsan Qaramada Afrika

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

December 18, 2025
0

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka gawaarida gaashaaman ee MU ayaa howlgallo qorsheysan oo amni xaqiijin ah...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

December 18, 2025
0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay Warbixinta Waxqabadka Sannadka 2025, iyadoo...

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

December 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In