Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda Dalka oo Addis-Ababa kula saxiixday heshiis Bangiga Horumarinta Africa iyo IGAD “Sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda Dalka oo Addis-Ababa kula saxiixday heshiis Bangiga Horumarinta Africa iyo IGAD “Sawiro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Adan Ibraahim ayaa heshiis sadex geesood ah kula saxiixday magaalada Addis Ababa Bangiga Horumarinta Africa iyo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo qayb ka ah dadaalada lagu doonayo in lagula tacaalao abaaraha ku soo noq noqda gobolka.

Wasiirka Maaliyada Adan oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa sheegay in heshiiskaan ka dhigan yahay muhiimada ay leedahay in la dhiso bulshooyin la tacaali kara nolashooda xiliga ay abaaruhu sooo wajahaan.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

β€œIn kasta oo aanaan awoodi karin inaa ka hortagno abaaraha marka ay dhacayaan, hadana waxaan xaqiijinaynaa anagoo fulinayna Barnaamijka Nolol Abuurka iyo u Adkaysiga Abaaraha inaan dadka ka caawino dhibaatoyinka abaaruhu sababaan, heshiiskaan ayaa waxaa uu soconayaa mudo 5 sano wuxuuna dhamaanayaa sanada 2020. Waxaana iska kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya, Banagiga Horumarinta Africa iyo Urur Goboleedka IGAD. Barnaamijkaan ayaa ujeedkiisu yahay in la hubiyo in bulshooyinka u jilicsan abaaruhu ay yeeshaan hab-nooleed la jaanqaadi kara noloshooda caadiga ah” ayuu yiri wasiirka Maaliyada isagoona dhanka kale xusay in dowladda Soomaaliya ay muhimada koowaad siinayso sidii loo sii wadi lahaa dadaalada lagu diyaarinayo baahiyaha asaaska u ah nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Barnaamijka Nolol Abuurka iyo u Adkaysiga Abaaraha oo Soomaaliya ay kala qayb qaadanayso wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD waxaa loo wajahaya sidan hoos ku qoran:

In la horumariyo sidii dadka iyo xooluhu u heli lahaayeen biyo iyo ilaalinta deegaanka lana qaado talaabooyin looga hortagayo xaalufka.
in la hormariyo wax soo saarka xoolaha iyo caafimaadkooda lana helo meelo lagu xanaaneeyo inta aan la suuq gayn.
in la hormariyo fursadaha haweenka marka loo eego dhanka maamulka biyaha, loona abuuro suuqyo kor loogu qaadayo dakhliga soo gala
In la tayeeyo dadka loona samaayo hay’ado kor loogu qaadayo wax soo saarka beeraha iyo xoola dhaqatada.
Barnaamijka Nolol Abuurka iyo u Adkaysiga Abaaraha, waxaana ujeedkiisu yahay in kor loogu qaado nolosha bulshooyinka ku nool dhulka baadiyaha, meelaha ugu badan oo dhibaatooyinka abaaruhu ku soo noq noqdaan oo barnaamijkaan looga fa’idaysanayo ayaa ah dhulka roobabku ku yaryihiin oo dad lagu qiyaasay 800,000 kun oo qof iyo xoolo gaaraya 4,000,000 neef ay u jilicsan yihiin Abaaraha soo noq noqda.

fargeeto-740x493

heshiis-1

heshiis-2

heshiis-3

heshiis-4

heshiis-5

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Muwaadiniin u dhashay Sri Lanka Oo Burcad Badeeda U Afduubnaa Oo La Sii Daayay

Next Post
Muwaadiniin u dhashay Sri Lanka Oo Burcad Badeeda U Afduubnaa Oo La Sii Daayay

Muwaadiniin u dhashay Sri Lanka Oo Burcad Badeeda U Afduubnaa Oo La Sii Daayay

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In