Wednesday, September 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo daah furay mashruuc shaqooyin loogu abuurayo dhalinyarada Soomaaliyeed “SAWIRO+ DHAGAYSI”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo daah furay mashruuc shaqooyin loogu abuurayo dhalinyarada Soomaaliyeed “SAWIRO+ DHAGAYSI”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 29, May, 2016….Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti ayaa maanta daah furaay Barnaamijka Tiir dhexaadka u ah Tayeeynta iyo Fursadaha Hay’adaha Dhaqaalaha. Somali Core Economic Institutions and Opportunities Project (SCORE) Mashruucaan ayaa waxaa maalgalinaya Bangiga Aduunka, wuxuuna si toos ah ula shaqaynayaa Wasaaradaha Ganacsiga, Dekedaha iyo Bangiga Dhexe kuwaas oo xiriir fiican la leh shirkadaha gaarka loo leeyahay (Privet Sector)

Mashruucaan daah furkiisa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Dekedaha ee XFS iyo Wasiirka Maaliyadda dowlad goboleedka Puntland, wuxuuna socon doono mudo sadex sano ah, iyadoo uu kici doono aduun gaaraya 30 milyan oo doolar, waxaana si gaar ah loogu hormarinayaa shirkadaha gaarka loo leeyahay, wuxuuna gacan ka gaysan doonaa sidii loo abuuri lahaa jawi suura galin kara in shaqo loo abuuro dhalinyarada iyo haweenka.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026

Wasiir Farkeeti ayaa sheegay in diirada lagu saarayo Mashruucaan tayeeynta dhanka shuruucda iyo kor u qaadida awooda Wasaaradaha xiriika la leh Ganacsatada.

“Waxaa ugu horeeya talaabooyinka mashruucaan qaadi doono in kor loo qaado Hay’adaha xariirka la leh ganacsiga gaarka loo leeyahay sida Wasaaradda Dekedaha, Wasaaradda Ganacsiga, iyo Bangiga Dhexe sidii loo hormarin lahaa howlaha ku aadan maamulka iyo maareynta. Iyadoona la soo saari doono lana dhaqan galin doono shuruuc dhiiri galin karta maalgashiga. Waxaa kale oo qayb ka ah mashruucaan in la taageero shirkadaha gaarka loo leeyahay kuwaas oo awood u yeelan doona inay shaqooyin u abuuran shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Farkeeti

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa yiri “Mashruucaan waxaa laga fulin doonaa dhamaan dalka, waxaana lagu bilaabayaa Puntland iyo magaalada Muqdisho, waxaana hormuud u ah fulintiisa Wasaaradda Maaliyadda XFS oo gacan ka helaysa Bangiga Aduunka, lacagta mashruucaan waxaa ku deeqay wadamada deeqada bixiya gaar ahaan wadamada ku bahoobay Midowga Yurub”

Ugu danbayntii, Wasiirka ayaa sheegay in ay farxad u tahay Wasaaradda Maaliyadda in maanta ay kaga dhawaaqdo mashruucaan hirgalintiisa magaalada Muqdisho, wasaaraduna ay diyaarisay wax kasta oo suura galinaya in mashruucaan guulaysto.

Halkaan Ka Dhagayso codka Wasiirka.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/05/CODKA-WASIIRKA-MAALIYADA-SOOMAALIYA-.mp3

Ferkeeti 76

Ferkeeto 456

Farkeeti5

Farkeet 56

Ferkeeti 78

Farkeeti 56

Farkeeti

Previous Post

Guddoomiye ku-xigeenka NUSOJ oo lagu soo dhaweeyay Dhuusa mareeb

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In