Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dalka Masar kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dalka Masar kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Qaar ka mid ah Wasiirada Maaliyadda ee Dalalka Geeska Afrika.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo dadaal dheeri ah ugu jira horumarinta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu kala hadlay madaxdii uu la kulmay arrimaha muhiimadda u leh nidaamka casriga ah ee Maaliyadda Soomaaliya iyo Barnaamijka Deyn-Cafinta Soomaaliya.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Waasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Nuur ayaa sheegay kulankii ay yeesheen Wasiirada Maaliyadda ay kaga wada hadleen arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalalka Bariga Afrika iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku hor gudban dhaqaalaha Afrika iyo kan Soomaaliya, Sidoo kale shirka ayaa looga dooday sidii dal waliba uu maalgalin u gaar ah uga heli lahaa Bangiga Horumarinta Afrika.

Dhawaan waxaa si rasmi ah uga furmi doona Magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar Shirka sanad laha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika.

Previous Post

Madaxda Wasaaradaha Amniga iyo Howlaha Guud oo la shiray Taliska ciidanka Booliska “SAWIRRO”

Next Post

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo loo soo xiray xatooyo xoolo dadweyne

Next Post
Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo loo soo xiray xatooyo xoolo dadweyne

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo loo soo xiray xatooyo xoolo dadweyne

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In