Thursday, June 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Ali Ahmed by Ali Ahmed
2 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa khudbad taabaneysa dhinacyo badan ka jeediyay fadhiga loo dhan yahay ee shirweynaha Bangiga Dunida ee matalaada kooxda 1-aad ee Afrika .

Kulankaan oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Bangiga Adduunka Ajay Banga, waxa uu ka mid yahay labada shir ee ugu muhiim san shirarka Sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka,iyadoo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay Bangiga Dunida ee matalaada kooxda 1-aad ee Afrika.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

June 23, 2026
DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda AricadeeyeARICADEEYE

June 23, 2026

Wasiirka ayaa si gaar ah diiradda ugu saaray muhiimadda ay leedahay sare u qaadidda dakhliga gudaha, horumarinta nidaamka maareynta maamulka maaliyadda iyo hagaajinta hannanka maalgashiga dalka, xilli ay jiraan duruufo dhaqaale oo caalami ah iyo caqabado ku gadaaman Soomaaliya iyo dunida inteeda kale oo saameeyay ilaha dhaqaalaha.

Fadhiga Bangiga Adduunka ee Matalaada kooxda 1-aad ee Afrika waxaa inta badan lagu falanqeeyaa hannaanka maalgalin ee uu Bangigu siiyo qaaradda, iyada oo Dowladda Soomaaliya na ay ka mid tahay dalalka sida gaarka ah uga faa’idaysta fursadaha maalgalinta iyo mashaariicda horumarineed oo qaarkood hada ay si habsami leh uga soconayaan gudaha Dalka.

Previous Post

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Next Post

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Next Post
Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

June 23, 2026
0

Muqdisho, 23 June, 2026: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa...

DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda AricadeeyeARICADEEYE

June 23, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay colaadda ka socota deegaanka Aricadeeye, taas...

DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

June 23, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab istaag iyo taageero buuxda u muujineysaa Dowladda...

DFS oo soo dhaweysay Is afgaradka u dhexeeya Dowladaha Mareykanka Iiraan

DFS oo soo dhaweysay Is afgaradka u dhexeeya Dowladaha Mareykanka Iiraan

June 23, 2026
0

Muqdisho, June 23, 2026: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa Isfahamka iyo Is afgaradka (Memorandum of Understanding) ee u dhexmaray...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In