Saturday, September 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(NEW YORK):-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku aaddan hirgelinta ajendayaasha horumarineed ee Afrika iyo caalamka, iyadoo ka qayb qaadatay doodda Heer Wasiir ee Maalinta Afrika, oo lagu qabtay magaalada New York, intii uu socday Shirka Heerka Sare ee Madasha Siyaasadda ee Qaramada Midoobay (High-Level Political Forum – HLPF).

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa madasha ku soo bandhigay aragtida Soomaaliya ee ku wajahan horumar waara, isagoo faahfaahiyey isbeddellada iyo dib-u-habeynta ay dowladdu ku waddo qorsheynta, maamulka dhaqaalaha iyo hirgelinta mudnaanta qaran.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026
Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026

Munaasabadda oo isu keentay madax, wasiirro iyo wakiillo ka socday dowladaha Afrika iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa sidoo kale lagu daah-furay Warbixinta Horumarka Waara ee Afrika 2026 (Africa Sustainable Development Report 2026), taas oo qiimeynaysa heerka ay waddamada Afrika ka marayaan hirgelinta Ajendaha 2030 ee Qaramada Midoobay iyo Ajendaha Midowga Afrika ee 2063.

Wasiir Beenebeene wuxuu xusay in Soomaaliya ay si joogto ah u xoojinayso qorsheynta horumarineed iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha, kuwaas oo uu sheegay inay saldhig u noqdeen kobaca dhaqaale, horumarinta hay’adaha dowladda iyo ballaarinta iskaashiga ay la leedahay bahwadaagta caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ku celisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo kan caalamiga ah, iyadoo u aragta in wada-shaqeyntu ay muhiim u tahay ka jawaabidda caqabadaha horumarineed, dardargelinta maalgashiga iyo xaqiijinta himilooyinka wadajirka ah ee Afrika.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee Maalinta Afrika ee HLPF wuxuu muujinayaa kaalinta sii kordheysa ee dalka ee doodaha caalamiga ah ee la xiriira horumar waara, qorsheynta istaraatiijiga ah iyo hirgelinta siyaasadaha horseedaya kobac dhaqaale oo loo dhan yahay.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

Next Post

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

Next Post
Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul...

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaas oo lagu...

Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo buuxiyay boosas banaanaa

Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo buuxiyay boosas banaanaa

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey laba xubnood oo buuxinaya boosaskii ka bannaanaa Guddiga Madaxa-bannaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In