Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta oo soo xiray aqoon-is-weydaarsi ku saabsan istiraatiijiyadda Horumarinta Tayada ee Heer Qaran

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta oo soo xiray aqoon-is-weydaarsi ku saabsan istiraatiijiyadda Horumarinta Tayada ee Heer Qaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta soo xiray aqoon-is-weydaarsi labo maalmood socday oo lagu ansixinayay Istiraatiijiyadda Horumarinta Tayada ee Heer Qaran. Aqoon-is-weydaarsigan, oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Qorsheynta, waxaa kasoo qayb galay wakiilo ka kala socday hay’adaha dowladda ee heer federal iyo dowlad goboleed, ganacsatada, bulshada rayidka ah, iyo bahda waxbarashada.

 

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Intii uu socday aqoon-is-weydaarsigu, waxaa si faahfaahsan loogu soo bandhigay qorshaha fulinta Istiraatiijiyadda Horumarinta Tayada Qaranka iyo hababka dhaqaale ururinta ee la xiriira. Ka-qaybgalayaashu waxay yeesheen dood iyo falanqeyn ballaaran oo ku saabsan sida qorshahan loogu dabaqi karo baahiyaha gaarka ah ee Soomaaliya, iyada oo si gaar ah loo tixgelinayo caqabadaha iyo fursadaha jira.

 

Doodaha iyo talooyinkii ka soo baxay kulankan ayaa lagu saleyn doonaa tallaabooyinka lagu xaqiijinayo guusha qorshaha. Aqoon-is-weydaarsigan waxaa soo qabanqaabiyay Waaxda Shaqada ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, waxaana maalgeliyay Baanka Horumarinta Afrika (AfDB) oo kaashanaya Steadman Global iyo Devemerge Global.

 

Istiraatiijiyaddan ayaa ah mid muhiimad weyn u leh sare u qaadidda tayada qaranka iyo xaqiijinta horumar waara oo bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’iideysan doonto.

Previous Post

Wasiirka Amniga Gudaha iyo Saraakiisha ciidanka oo kormeer shaqo ku tagay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir

Next Post

Xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga ee ku sugan Gobolka Baay

Next Post
Xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga ee ku sugan Gobolka Baay

Xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga ee ku sugan Gobolka Baay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In