Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Khaliif oo ka qeybgalay barnaamijka Kulanka todobaadka ee warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo la Xiriira shaqo abuurka iyo wax u qabashada dadka nugul ee ku barakacay abaaraha.
Wasiirka ayaa xusay in dowladda Federaalka, Bangida aduunka iyo hey’adda WFP ay isla garteen in lacago gaaraya 185 milyan oo doolar lagu taakuleeyo dadka nugul, kuwa ay saameeyeen abaarah iyo cayayaanka loo yaqaanno Ayaxa,
Cabdiwahaab Ugaas Khaliif ayaa sheegay in mashruuca kaalmeynta dadka uu socon doono labada sano ee soo socota, isagoo intaa ku daray in lacagahaasi ay ka faa’ideysan doonaan 48 degmo oo ka mid ah Dalka.
Wasiirka ayaa qiray in lacagahaasi oo si toos ah ugu soo dhacaya bangiga dhexe loo diri doono dadka liita,iyadoo la sameynayo dabagal ku aadan in si habsami leh loo bixiyay lacahaasi oo ay kormeeri doonaan wasaaradda shaqada,Hey’adda WFP iyo Bangiga Dunida.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Cabdiwahaab Ugaas Khaliif ayaa ka dhawaajiyaty in dalal kamid ah Sacuudiga ay ogolaadeen bixinta tababarro kor logu qaadayo aqoonta shaqaalaha, wuxuuna dhinaca kale caddeeyay in sanadka soo socda la sameyn doono shaqo abuur.