Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka UK ee Africa booqashadiisa Muqdisho iyo Hargeysa

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka UK ee Africa booqashadiisa Muqdisho iyo Hargeysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiika UK ee Africa, Rory Stewart, ayaa booqashadii ugu horeysay ku yimid Soomaaliya isagoo booqday magaalooyinka  Mogadishu iyo Hargeisa.

U jeedada booqashada Mr Stewart ayaa aheyd u kuurgelida qodobadii ka soo baxay shirkii London May dii la soo dhaafay iyo sidii uu u kari lahaa dadaalada UK ee ku aadan arimaha bari’aadanimada, iyo mashaariicda horumarineed loo sameeyay dadka Soomaaliyeed.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026

Magaalada Muqdisho ayuu, Mr Stewart kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya uu uu kamid yahay ra’iisul wasaaraha, ku xigeenkiisa, wasiirada gaashaandhigga, qorsheynta, amniga gudaha iyo xubno ka tirsan beesha caalamka iyo ururada bulshada rayidka ah.

Wasiika UK ee Africa, Rory Stewart ayaa soo dhaweeyay horumarinka ay sameysay dowladda Soomaaliya, isagoona xaqiijiyay in UK sii wadi doonto taageerada lagu horumarinayo Soomaaliya.

Madaxda dowladda Soomaaliya ee uu la kulmay ayuu kala hadlay ahmiyadda a ku fadhiso adkeynta amniga iyo la dagaalanka argagaxisada, la dagaalanka musuq maasuqa iyo in shaqooyin loo abuuro dhalinyarada.

Mr Stewart  ayaa intii uu magaalada Muqdisho ku sugnaa waxaa uu tagay xarunta isku dubaridda arimaha gargaar ee QM isagoo arkay iskaashiga ka dhexeeya ururada sama falka, Qaramada Midoobay iyo wasaaradda arimaha gargaarka ee ku aadan ka jawaabidda abaaraha.

Wasiirka UK ee Afrika ayaa sidoo kale warbixin looga siiyay £170 million oo UK ugu talagashay abaaraha iyo ka hor tagida in abaarta Soomaaliya macluul isku bedesho.

Wasiika UK ee Africa, Rory Stewart ayaa sidoo kale tagay magaalada Hargeisa, isagoo halkaas kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo uu kala hadlay arimo ah kamid yihiin doorashada bisha November ka dhici doona maamulka Somaliland.

Magaalada Hargeisa, waxaa uu sidoo kale kulan kula yeeshay qaar kamid ah ururada bulshada rayidka ah xubno ka tirsan dowladaha hoose iyo qaar kamid ah dadkii ka faa’ideystay deeqaha waxbarasho ee UK ay siiso Soomaaliya.

Wasiirka UK ee Afrika ayaa mas’uuliyiinta Somaliland kala hadlay ahmiyadda ay leedahay in dib loo bilaabo wada hadalkii u dhexeeyay dowladda federaalka iyo Somaliland.

Previous Post

Wefdi ka socda Galmudug oo gaarey degmada Hobyo

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo imtixaan u furey arady cusub oo ku biiraya Jaamacadda Umadda

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo imtixaan u furey arady cusub oo ku biiraya Jaamacadda Umadda

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo imtixaan u furey arady cusub oo ku biiraya Jaamacadda Umadda

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In