Barnaamijka kulanka Todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa looga hadlay qorshayaasha xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Barnaamijka ayaa waxaa marti ku ahaa wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qorshayaasha dowladda ee ku wajahan dhinacyada, horumarka, dhameystirka dhismaha maamul goboleedyada iyo qodobbo kale oo mihiim ah.
Wasiirka ayaa intii uu socday barnaamijka si qota dheer uga jawaabay su’aalo ay soo weydiiyeen qaar ka mid ah dhageystayaasha barnaamijka oo ku kala sugan dalka iyo dibadda.
Sawir qaade Farxaan Suleymaan Daahir