Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta iyo Safiirka Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo Radio Muqdisho “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta iyo Safiirka Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo Radio Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cisman Abuukar Dubbe oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi, ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo Radio Muqdisho, isla markaana horaanta sanadka cusub ee soocda Raadiyaha laga bilaabi doono baahinta Afka Talyaaniga oo ahaa luuqadihii ka bixi jirtay Idaacadda.

Munaasabadda heshiiska ay ku kala saxiixanayeen Wasiirka Warfaafinta iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo ka dhacay Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta iyo xubno kale.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in heshiiska uu yahay sidii Raadiyaha Qaranka dib markale looga baahin lahaa luuqadda Afka Talyaaniga, isagoo intaa ku daray inay dib u dhis ku sameyn doonaan Istuudiyaasha Raadiyaha iyo Keydka Hadalka ee Qaranka oo habcasri ah loo rogi doono cajaladaha ku keydsan.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

“Waxaa maanta halkan lagu kala saxiixday Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, heshiis ku saabsan sidii Afka Talyaaniga looga bilaabi lahaa Radio Muqdisho sanadka cusub ee 2022, gaar ahaan bisha Janaayo, Xiriirka Radio Muqdisho iyo Talyaaniga waxa uu soo bilowday sanadkii 1951-dii, sidoo kale waxa ay tababaro siin doonaan shaqaalaha Wasaaradda, gaar ahan Waaxda Radio Muqdisho, heshiiskana waxaa kala saxiixday Wasiirka Warfaafinta Mudane Cismaan Dubbe iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi,”. Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta.

https://youtu.be/MSCsB2LOYJ0

 

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo Shir-guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer shaqo ku tagay Xarumaha Wasaaradaha

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer shaqo ku tagay Xarumaha Wasaaradaha

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer shaqo ku tagay Xarumaha Wasaaradaha

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In