Friday, February 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo Dalka Baxreyn uga qeybgalay shirka Wasiirada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo Dalka Baxreyn uga qeybgalay shirka Wasiirada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Manama ee Caasimadda Boqortooyada Baxrayn uga qeybgaley meertada 54-aad ee shirka Wasiirrada Warfaafinta waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Shirkan ayaa ajendayaasha looga dooday waxaa ka mid ah xasaradda ka aloosan Marinka Gaza oo Israel ay weeraro ay dad badan oo rayid ah ku dhinteen weli ka waddo, sidii dalalka Carabta ay u sii wadi lahayeen garab istaagga walaalahooda reer Falastiin iyo in degdeg xabad joojin looga hirgeliyo dhulka Falastiiniyiinta oo dhibaato beni’aadminimo oo aad u daran ay ka taagan tahay.

Related posts

February 6, 2026
Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

February 6, 2026

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daua’uud Aweys ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay qadiyadda reer Falastiin, isla markaana ay aamisan tahay in xalka waara ee gobolkaasi uu yahay dhismaha dowlad rasmi ah oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

Shirkan ayaa lagu ansixiyay dhammaan ajendaha looga dooday oo ay ku jiraan in la garab istaago qaddiyadaha waddamada Carabta oo ay Soomaaliya ka mid tahay, iyo in dalalka Carabta ay la jaanqaadaan horumarka saxaafadda caalamka.

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Daua’uud Aweys Jaamac ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Boqortooyada Bahrain oo martigelinta shirkan muhiimka ah, iyadoo Bahrain ay sannadkan tahay caasimadda Warbaahinta Carabta ee 2024.

Amiirka Iska leh Dhaxalka Boqortooyada Bahrain Amiir Salman bin Hamad Al Khalifa, ayaa isna maanta Qasriga Boqortooyada ku qaabilay dhammaan Wasiirrada Warfaafinta ee dalalka Carabta ee ka qeybgalyay shirka 54aad ee Warbaahinta Carabta. Wasiirka Warfaafinta mudane Daua’uud Aweys ayaa Amiirka u gudbiyay salaam uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Amiir Salmaan ayaa isna dhankiisa salaam gaar ah u soo diray Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliya.

Intii uu shirka socday waxaa Wasiirka Warfaafinta uu sidoo kale kulamo doceed la yeeshay qaar ka mid ah Wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta ee shirka ka qeybgaley.

 

 

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Hoggaamiyaasha Afrika 

Next Post

Taliska Ciidanka Xoogga oo dardargelinaya tababarada sare ee ciidamada

Next Post
Taliska Ciidanka Xoogga oo dardargelinaya tababarada sare ee ciidamada

Taliska Ciidanka Xoogga oo dardargelinaya tababarada sare ee ciidamada

February 6, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa saakay hoggaamiyay olole ballaaran oo nadaafadeed oo...

Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

February 6, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo kormeeray qeybo kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho...

Madaxa Hey’adda SODMA”ummadda Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay u gurmadaan dadka la ildaran abaaraha”

Madaxa Hey’adda SODMA”ummadda Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay u gurmadaan dadka la ildaran abaaraha”

February 6, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo ka hadlay barnaamijka todobaadka ee warbaahinta qaranka ayaa faahfaahin guud ka bixiyay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

NISA oo howlgal ku dishay horjooge Axmed Dhuxul oo ka tirsan Khawaarijta

February 5, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa ku guuleystay in ay shacabka Soomaaliyeed shartiisa dhaafiyaan Horjooge Axmed Dhubad Xidig...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In