Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta Oo Dhaawacyada Qarixii Zoobe2 Ku Booqday Isbitaal Ku Yaala Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta Oo Dhaawacyada Qarixii Zoobe2 Ku Booqday Isbitaal Ku Yaala Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaalia, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta booqday Isbitaalka Milateriga magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta,  halkaas oo lagu daweynayo qaar ka mid ah dhaawacyadii qaraxii Zoobe ee Muqdisho ka dhacay 29ka bishii la soo dhaafey ee October.

Wasiirka oo ay wehliyeen Ku-Simaha Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Isutagga Imaaraadka Carabta,  Mudane Axmed Daahir Maxamed iyo mas’uuliyiin kale ayaa warbixino ku saabsan xaaladda dhaawacyada ka dhageystay dhakhaatiirta Isbitaalka Abu Dhabi Military Hospital. Dhakhaatiirta ayaa Wasiirka u sheegay in dhaawacyada ay si wanaagsan daweynta ugu socoto, isla markaana badankooda xaalkooda ka soo raynayo.

Related posts

Xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay

Xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay

September 7, 2026
Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026

Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo xubin ka ah Guddiga Golaha Wasiirada ee Gurmadka dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Zoobe2, ayaa dhaawacyada Ilaahay uga baryey inuu siiyo caafimaad buuxa, iyagoo bedqabana uu Ilaahay dib ugu celiyo dalkoodii hooyo. Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu uga mahadceliyay dhakhaatiirta, dowladda iyo shacabka dalka Isutagga Imaaraadka Carabta sida ay u garab istaageen walaalahooda Soomaaliyeed markii uu ku habsadey mashaqada ay geysteen Khawaarijta argagixisada Al-Shabaab.

Previous Post

Ciidanka Boliiska Gobolka Hiiraan oo soo bandhigay maandooriyeyaal ay qabteen 

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga Oo La Kulmay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga Oo La Kulmay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Oo La Kulmay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay

Xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay

September 7, 2026
0

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka (NEC) ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, Dr. Xasan Aadan...

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
0

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum) ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb...

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha nugul...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

September 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo howlo shaqo u jooga magaalada Baardheere ee Gobolka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In