Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxmaed Cabdi Xayir Maareeye iyo wafdiga uu hogaaminayo oo howlo shaqo ku jooga dalka Kuwait ayaa xalay fiidkii kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kuwait, ahna wasiiru dowlaha arrimaha dhallinyarada ee dalka Kuwait Salmaan Sabaax Alsaalim Alxamuud
Labada wasiir ayaa kulankooda diiradda ku saaray xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah ee Kuwait iyo Soomaaliya iyo iskaashiga labada wasaaradood ee warfaafinta Soomaaliya iyo Kuwait.
Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi xayir Maareeye ayaa wasiirka warfaafinta Kuwait uga mahad celiyay casuumaadda iyo soo dhoweynta wanaagsan.
Wasiirka oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in kulankii uu la qaatay dhigiisa Kuwait uu ahaa mid miro dhal ah, isagoo intaa ku daray in ay rajeynayaan in dowladda Kuwait wax badan ka caawin doonto Soomaaliya.
Kulanka Wasiir Maareeye la yeeshay dhiggiisa Kuwait, waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha Radio Muqdisho Cabdiraxiim Ciise Caddow iyo Agaasimaha Telefishanka Qaranka Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Alcadaala , mas’uuliyiinta saraaradda Soomaaliya ee Kuwait iyo mas’uuliyiin kale oo wasiirka ku wehliya booqashadiisa Kuwait.