Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Cusman Obokor Dubbe, ayaa hambalyo ku Aadan Sanad guurada 58 ee ka soo wareegtay Aas-aaskii wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u diray Maamulka, shaqaalaha Wakaaladda iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan Hambalyeynayaa Howl-wadeennada iyo Madaxda Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyee ee SONNA oo aan ugu hambalyeeynayo 58- sanno guurada Aas-aaska Wakaaladda SONNA waxana u rajeynayaa in ay la jaanqaado Wakaaladaha kale ee Wararka Aduunka”Ayu yiri Wasiir Cusman Obokor Dubbe.
Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo ku soo shaqeeysay marxalado kala duwan ayaa maanta u dabbaaldageyso sanadguurada 58-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaskeedi.