Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay guddiga badbaadada Suxufiyiinta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay guddiga badbaadada Suxufiyiinta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo maanta kulan la qaatay guddiga badbaada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa kala hadlay halka ay mareyso howshii saxaafadda dalka ay u xilsaartay oo ah dhameyntii khilaafkii hogaanka ururka Suxufiyiinta Qaranka iyo qaban qaabada doorashada lagu dooranayo Hogaanka cusub ee NUSOJ, iyagoo maantana la kulmay mid ka mid ah garabyadii isku khilaafsanaa hogaanka ururka.

Maxamed Ibraahim Bakistan oo ah xoghayihii NUSOJ ayaa sheegay in uusan aheyn musharax u taagan qabashada xilka NUSOJ, isagoo tilmaamay in xafiiska uu kuwareejin doono hogaanka cusub oo ay suxufiyiinta Soomaaliyeed soo doortaan.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

“Aniga waxaan idin cadeynayaa in aanan aheyn musharax oo aan wax xil ah ka doneyn ururkan, balse aan gaarsiin doono inta hogaan cusub laga soo dooranayo,” ayuu yiri Maxamed.

Gudoomiyaha gudiga badbaadada suxufiyiinta Soomaaliyeed  Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud, Malyuun Sheekh Xeydar iyo  Cabdullaahi Xirsi Kulmiye oo xubno ka ah guddiga ayaa soo dhoweeyay go’aanka Maxamed Ibraahim Bakistaan, iyagoo ku tilmaamay guul u soo hooyatay dhamaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Guddoomiye ki xigeenka guddiga badbaada suxufiyiinta Soomaaliyeed Ismaaciil Sheekh khaliifa ayaa tilmaamay in waxyaabo badan ay u qabsoomeen.

“Gebagebadiisa waxaa lagu heshiiyay in la wada taageero howsha guddigan uu wado iyo sidii loo qaban lahaa shirweyne guud si loo helo hogaan mideysan oo ay leeyihiin Suxufiyiinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Khaliifa.

Guddigan badbaadada saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa mudooyinkan dambe waxa ay dadaal ugu jireen sidii loo heli lahaa hogaan mid ah oo uu yeesho ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

IMG_2907 IMG_2909 IMG_2914 IMG_2920 IMG_2928 IMG_2938

 Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Maxamed Feereysane

Previous Post

Wasaaradda caafimaadka oo ku baaqday in la caawiyo isbitaalada Madiina iyo Banaadir

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay munaasabad lagu furayay mashruuca dhismaha waddada isku xirta Wisil iyo Hobyo+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay munaasabad lagu furayay mashruuca dhismaha waddada isku xirta Wisil iyo Hobyo+Sawirro

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay munaasabad lagu furayay mashruuca dhismaha waddada isku xirta Wisil iyo Hobyo+Sawirro

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In