Monday, September 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo Nairobi kulamo kula yeeshay diblomaasiyiin Kala Duwan”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 1, 2016
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo Nairobi kulamo kula yeeshay diblomaasiyiin Kala Duwan”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nairobi,  01 February 2016 – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye ) iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada Warfaafinta Mudane Cabdirizaq Ali Yusuf (Bahlawi) ayaa kulamo looga hadlayay horumarinayo warbaahinta la qaatay diblomaasiin kala duwan oo fadhigoodu yahay magaalada Nairobi.

Wasiirka ayaa maanta kulamo la yeeshay Mas’uulka dhanka Warbaahinta u qaabilsan Safaarada Mareykanka Raymond Stephens iyo mas’uuliyiin la socotay. Sidoo kale Wasiirka ayaa la kulmay Sean Brooks oo ah mas’ uul ka tirsan hay’adda USAID iyo Fowziyo Cali oo ka tirsan hay’ada AECOM oo mashaariic ka fulisa Soomaaliya.

Related posts

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

September 15, 2025
Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

September 15, 2025

Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay warbixin ka siiyay meel marinta xeerkii saxaafada Soomaaliya,qabashada shirkii warbaahinta oo ay ka soo qeyb galeen maamulka goboleedyada ka jira dalka iyo shirkii ugu danbeyay oo ay wasaarada qabatay bishii dhamaatay oo looga hadlayay istiraatiijiyada warbaahinta ee shanta sano soo socota.

Wasiirka ayaa mas’ uuliyiintaasi kala hadlay horumarinta warbaahinta Soomaaliya iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa Istiraatijiyada Warbaahinta Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa sidoo kale la kumay Madax Africa ee hay’adda Xaquuqul Insaanka ee Human Rights Watch (HRW) oo ay ka wada hadleen tacadiyada loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa u sheegay mas’uuliyiinta hay’adda xuquuqul insaanka in la soo qabtay gacan ku dhiiglayaashii dilay wariyaashii ugu danbeeyay ee la dilay,isagoo sheegay in la dilay qaar ka mid ah gacan ku dhiilayaashii,halka kuwa kalana dhawaan la dili doono,ka dib markii ay qirteen in ay fuliyeen dilalkaasi.

Wasiirka warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir (Maareey) ayaa la filayaa in uu la kulmo Safiirada Finland iyo midowga Yurub (EU), isagoo berri khudbad ka jeedin doonaa shirka Kooxda Taageerta Warbaahinta Soomaaliya (Somali Media Support Group) oo ay hay’adaha iyo deeq bixiyeyaasha ku mideysan yihiin.

IMG_20160201_100750 IMG_20160201_100759 IMG_20160201_100815 IMG_20160201_100842 IMG_20160201_100844 IMG_20160201_100900 IMG_20160201_100903 IMG_20160201_100925 IMG_20160201_100944 IMG_20160201_100957 IMG_20160201_101011 IMG_20160201_101032 IMG_20160201_101035 IMG_20160201_101051 IMG_20160201_120354 IMG_20160201_120500 IMG_20160201_120507 IMG_20160201_120524 IMG_20160201_120533 IMG_20160201_120553 IMG_20160201_120602 IMG_20160201_120625 IMG_20160201_120634 IMG_20160201_120639

Sawir qaade:- Cilmi Maxamed Waare

Previous Post

Baarlamaanka oo akhrinta saddexaad mariyay sharciga Qaxootiga

Next Post

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post
Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

September 15, 2025
0

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo ay soo agaasintay Hay’adda Taya-dhawrka Qaranka.   Shirkan...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

September 15, 2025
0

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka, iyo sidoo kale ku xadgudubka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

September 15, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa sheegay in guushii ciidanka qaranku ka gaareen dagaalkii Khawaarijta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

September 15, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaalan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah kaga qeybgalay magaalada Dooxa shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In