Monday, August 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo shahaado sharaf guddoonsiiyay shaqaale ka tirsan Radio Muqdisho kadib munaasabad lagu xusayay waxqabadka Agaasimaha Raadiyaha ee 90-ka cisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo shahaado sharaf guddoonsiiyay shaqaale ka tirsan Radio Muqdisho kadib munaasabad lagu xusayay waxqabadka Agaasimaha Raadiyaha ee 90-ka cisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan, Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, Agaasimaha Telefishinka Qaranka Mudane Sharma’arke Maxamed Warsame, Maareeyaha Golaha Murtida iyo wacyigelinta iyo ku-xigeenkiisa, qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta, shaqaalaha Warbaahinta Qaranka iyo marti Sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay waxqabadka 90-kii maalmood ee uu xilka hayo Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika) iyo abaal marino la guddoonsiinayay qaar ka mid ah shaqaalaha Radio Muqdisho oo door muhiim ah ka qaatay sare u qaadidda tayada idaacadda.

Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar ayaa madasha ku soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay Agaasimaha Radio Muqdisho, muddada 90-ka cisho ah iyo yoolka uu hiigsanayo oo ah in idaacadda la gaarsiiyo guud ahaan gobollada dalka, si fariinta dowladda ay u wada gaarto bulsahda Soomaalyeed iyo qorshe howleedka muddada lixda bil ee soo socota u degsan Agaasimaha.

Related posts

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

August 3, 2026
Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

August 3, 2026

Qaar ka mid ah howlwadeennada Raadiyaha ayaa goobta ka sheegay in Agaasimaha Raadiyaha uu la yimid waxqabad dhab ah oo ku saleysan tayeyn iyo sare u qaadidda idaacadda, waxaana lagu guuleystay in bogga twitter-ka ee Radio Muqdisho uu helay calaamadda saxda ah iyo dib u habeyn balaaran oo lagu sameynayo Website-ka Radio Muqdisho oo si casri ah loo naqshadeynayo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan ayaa xusay in waxqabadka Agaasimaha Radio Muqdisho ay tahay mid cad oo muuqata, ayna gacan ku siinayaan sidii gobollada dalka looga hirgelin lahaa FM radio oo laga dhageysto barnaamijyada iyo wararka ka baxa Radio Muqdisho, ayna ku bogaadinayaan inuu sii labo jibaaro qorshaha uu hiigsanayo.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo ugu dambeyn soo xiray xafladda ayaa bogaadiyay dadaalka wax ku oolk ah iyo isbadalka uu la yimid Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika), waxaana uu balan qaaday in la jooteyn doono hannaanka sare loogu qaadayo Warbaahinta Qaranka oo isbadal dhab ah uu ka muuqdo.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Radio Muqdisho ayaa madasha lagu guddoonsiiyay shahaado Sharaf, kuwaasi oo ku muteystay waxqabadkii ay muujiyeen, waxaana laga soo kala xulay qeybha kala duwan ee Raadiyaha.

Previous Post

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo qaraar ka soo saareyso is hortaag ay keeneen qareenno difaacaya eedeysanaal loo heysto falal amniga ka dhan ah

Next Post

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Soomaaliya oo daah furay mashruuc lagu kordhinayo Isbitaalka Cadaado “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Soomaaliya oo daah furay mashruuc lagu kordhinayo Isbitaalka Cadaado “SAWIRRO”

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Soomaaliya oo daah furay mashruuc lagu kordhinayo Isbitaalka Cadaado “SAWIRRO”

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

August 3, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xarunta...

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

August 3, 2026
0

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Dardar-gelinta iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC), oo uu daah furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Laascaanood kula Kulmay Isimmada Dhaqanka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Laascaanood kula Kulmay Isimmada Dhaqanka Waqooyi Bari

August 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laascaanood ku qaabilay Isimmada dhaqanka ee deegaannada...

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

August 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Arrimaha Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In