Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Soomaaliya oo daah furay mashruuc lagu kordhinayo Isbitaalka Cadaado “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Soomaaliya oo daah furay mashruuc lagu kordhinayo Isbitaalka Cadaado “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad isugu jirtay daah furka Barnaamijka Caafimaadka Bulshada ee CHASP wajigiisa 2-aad iyo wareejinta gaari kuwa gurmadka deg degga ah oo ka howl bilaabaya Isbitaalka guud ee magaalada Cadaado ayaa si rasmi uu u daah furay Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Soomaaliya Dr. Axmed Xuseen Macalin.

Waxaa Dib u habeyn iyo dayactir lagu sameynayay Isbitaalka Cadaado , kaasi oo isugu jirtay soo celinta bilicda Isbitaalka iyo interlock la saaray dhamaanba barxada isbitaalka, waxaana howlahan ay qayb ka yihiin dadaalka baaxadda leh ee ay waddo Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo gacan ka helaysa Dowladda Sweden iyo hey’adda save the Children.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Nuur Yarow Xayle Shaarba-Cade Guddoomiye ku-xigeenka Cadaado iyo Dr. Ayuub Cabdilqaadir Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Cadaado ayaa kaga mahad celiyay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug sida ay mudo kooban wax kaga badashey howsha Isbitaalka Guud ee Cadaado.

Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac iyo lataliyaha arimaha bulshada ee Xafiiska Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Faarax Seeraar, oo ka waramey isbadalada mashaariicdan ay keeneen ayaa ku dhiiri galiyay bulshadu in ay taageeraan howlaha horumarinta caafimaadka.

Dr. Axmed Xuseen Macalin Dr. Gurrey Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn si rasmi ah u daah furay mashaariicda caafimaad eel aga hirgelinayo isbitaalka guud ee Cadaado.

Mas’uuliyiintan ayaa gaban gabadii munaasabada si wadajir ah u kormeeray qaybaha Isbitaalka Cadaado oo Agaaaimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Abdiwali Maxamed Axmed uu warbixin ka siiyey Madaxda sida wanaagsan ee wax looga qabtay adeegyada isbitaalka muddadii koobneyd ee Wasaaraddu gacanta ku heysay maamulka isbitaalka.

 

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo shahaado sharaf guddoonsiiyay shaqaale ka tirsan Radio Muqdisho kadib munaasabad lagu xusayay waxqabadka Agaasimaha Raadiyaha ee 90-ka cisho “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamada xoogga dalka oo horjoogayaal ku dilay Gobolka Shabeelaha Dhexe “SAWIRRO”

Next Post
Ciidamada xoogga dalka oo horjoogayaal ku dilay Gobolka Shabeelaha Dhexe “SAWIRRO”

Ciidamada xoogga dalka oo horjoogayaal ku dilay Gobolka Shabeelaha Dhexe “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In