Monday, August 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Wasiirka warfaafinta “Uganda waxay naga aqbashay fudueynta Dal-Ku-Galka Uganda”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Wasiirka warfaafinta “Uganda waxay naga aqbashay fudueynta Dal-Ku-Galka Uganda”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kampala, 7 June 2017 – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo maalmahan booqasho ku jooga dalka Uganda ayaa kulan la qaatay Ku-Simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Uganda ahna Wasiiru Dowlaha Mr Obiga Kania. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah sida in Soomaalida loo fududeeyo dal-ku-galka dalka Uganda, sharciyada dal-ku-joogista iyo arrimo kale.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu horeyn Wasiirka uga mahadceliyey qaabilaadiisa iyo sida dalka Uganda loogu soo dhoweeyey. Wasiir Yarisow ayaa warbixin kooban ka siiyey Mr Obiga Kania xaalada dalka, iyo horumarka ay dowlada ku tallaabsatay tan iyo 8dii Feberaayo.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS 

August 10, 2026
Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS

August 10, 2026

Wasiir Obiga Kania ayaa Wasiir Yarisow uga mahadceliyey booqashadiisa, waxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey doorashadii 8dii February iyo sidii sida nabada laheyd oo ay Madaxdu u kala wareegeen Madaxtinimadii. Wasiir Kania ayaa sheegay in Dowlada Uganda ay diyaar u tahay inay sii xoojiso xiriirka wallaaltinimo ee labada dal.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ka codsaday Wasiir Obiga Kania in Soomaalida loo sahlo oo loo fududeeyo Dal-ku-galka isagoo sheegay in tan iyo intii online laga dhigay dalbashada visaha ay adkaatay helisteeda, iyadoo ardey fara badan oo Jaamicadaha Uganda iska diiwaangeliyey ay ku adkaatay in dal-ku-galkii ay ku helaan waqtigii ay waxbarashadu bilaabaneysey. Sidoo kale Wasiir Yarisow ayaa ka codsaday Wasiir kania in ardeyda Jaamicadaha ka barta Uganda loo fududeeyo sharciyada dal ku joogista (Student Pass). Ugu danbeyntii Wasiir Yarisow ayaa ka codsaday in Soomaalida loo fududeeyo dal ku galka Uganda.

Ugu danbeyntii Wasiir Obiga Kania ayaa sheegay inuu dib u eegis ku sameyn doono oo Soomaalida loo fududeyn doono inay helaan Dal-ku-galka dalka Uganda, isagoo sheegay in Soomaalida ku sugan Uganda ay yihiin dad sharaf iyo karaama leh, bulshada Uganda ay aad u jecelyihiin. Sidoo kale waxuu ballanqaaday in ardeyda loo fududeyn doono student pass.

DHAMAAD

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Gaalkacyo

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Gaalkacyo

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS 

August 10, 2026
0

Muqdisho, Isniin, 10 Agoosto 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray...

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS

August 10, 2026
0

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib doorasho ka dhacday...

Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray dalka Turkiga 

Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray dalka Turkiga 

August 10, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban saraakiil sare oo...

Hantidhawrka Guud oo soo bandhigay Warbixinnada baaritaannada Hay’adaha DFS 

Hantidhawrka Guud oo soo bandhigay Warbixinnada baaritaannada Hay’adaha DFS 

August 10, 2026
0

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay warbixinnada baaritaannadii uu sanadkan ku sameeyay hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In