Sunday, December 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray tababar ku saabsan ka hortagga wararka been abuurka ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray tababar ku saabsan ka hortagga wararka been abuurka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Daauud Aweys Jaamaca ayaa soo xiray tababar ku saabsan ka hortagga wararka been abuurka ah kaasi oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Siminaarkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Warfaafinta iyo Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeybalay 21 suxufi oo ka kala socotay Warbaahinta Qaranka, Gobolka Banaadir iyo Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay, waxaana ka qeybgalay qaar ka mid ah Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta.

Related posts

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

December 21, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025

Tababarkan oo socday muddo labo cisho ah ayaa waxaa bixinayay quburo ka socotay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Turkiga, kaasi oo ku saabsanaa ka hortagga wararka been abuurka ah iyo jiheynta afkaaraha bulshada, iyadoo sidoo kale ay ka qeybgaleen xubno ka socotay Waaxda Teknoloojiyadda ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ka qeygalayaasha siminaarka ayaa sheegay in ay wax badan ka faa’iideysteen, ayna diyaar u yihiin sidii ay bulshada ku heli lahayd warar sax ah.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Alper Aktas oo madasha ka hadlay ayaa sheegay Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar dhinacyo badan leh, ayna diyaar u yihiin garab istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Daauud Aweys Jaamaca oo soo xiray tababarka, isla markaana u mahadceliyya madaxda Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in ujeedka siminaarka uu yahay sidii bulshada ay ku heli lahayd warar sax ah, isla markaana laga hortego wararka been abuurka ah.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa ka qeygalayaasha kula dardaarmay in aqoonta ay kororsadeen ay ku dabaqaan howlaha ay bulshada u hayaan, si shacabka ay u helaan warar sugan oo ka reeban been abuurka, Wasaaradduna ay door ka qaadaneyso siidii bulshada loogu jiheyn lahaa wararka horumarka ka turjumaya.

Ugu dambeyn ka qeybgalayaasha ayaa la guddoonsiiyay shahaado ka turjumeysa aqoonta ay kororsadeen.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay James Swan

Next Post

Hay’adda SoDMA oo gaadiid sida shixnado gargaar u dirtay Ruunirgood

Next Post
Hay’adda SoDMA oo gaadiid sida shixnado gargaar u dirtay Ruunirgood

Hay’adda SoDMA oo gaadiid sida shixnado gargaar u dirtay Ruunirgood

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa guddoomiyay shir muhiimaddiisu sarreyso oo lagaga arrinsanayay...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed munaasabadda 82-guurada...

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wargelisay waalidiinta iyo bahda waxbarashada, in ay hakisay...

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay ururrada siyaasadda ee u tartamaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In