Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Koofur Galbeed oo booqday xarunta Maxkamadda degmadda xuddur +Sawirro

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Koofur Galbeed oo booqday xarunta Maxkamadda degmadda xuddur +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdigaan maanta sida wadajirka ah u soo kormeerey xarumo ay ka mid yihiin Maxkamada, Saldhiga Booliska iyo xabsiga magaalada oo burbur weyn ka muuqdo,ayaa waxa horkacayey Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka ee Maamulka Koofur Galbeed, Taliyaha
Ciidanka Asluubta Maamulkaasi iyo Maamulka Gobolka Bakool, waxana u jeedadooda aheyd in ay u kuurgalaan baahida cadaalada ee ka jirta degmada.

Ugu horeyn waxa ay booqdeen xarunta maxkamada degmada xuddur, waxana indhahooda ku soo arkeen garsoorayaashii oo geed hoostii dacwad
ku qaadeyso maadaama dhismo iyo dayactir midna helin xaruntii maxkamada gobolka, iyagoo kormeerkooda siiwata waxa ay indha indheeyeen shaqada ka soctay xafiiska.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Kormeerkooda ayaa waxay ku soo gabagabeeyeen xarunta xabsiga dhexe ee magaalada xuddur oo qeyb ka mid ah dhowaan dayactir lagu sameeyey wallow qeybo badan oo ka mid ah qeybtii haweenka aan weli dayactir helin taasoo sababtay in maxaabiistii xabsiga lagu hayo saldhiga booliska.

Guddoomiyaha Xafiiska dib u dhiska degmada xuddur Cabdirisaaq saajin iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka bakool Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa waxay codsadeen in wax laga qabto maxkamada iyo xabsiga oo wadasheyn ka dhaxayso.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Maamulka Koofur Galbeed Aadan Cali Axmed ayaa ugu baaqay udirey in la tayeeyo tababarana loo furo ciidanka asluubta ee degmadaasi, si ay ugutaan waajibaadka saran.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Koofur Galbeed Maxamed Xuseen Xasan ayaa sheegey in qorshaha socdaalkooda ay qeyb ka tahay in maxkamadaha loo dhiso xarun ay ku shaqeeyaan, wuxuna intaasi ku darey in la qalabeyn doono dhamaan xafiisyada Maxkamada, Booliska iyo Xabsiga dhexe.

Previous Post

At least 35 people at wedding party killed during nearby Afghan army raid

Next Post

Guddoomiye Mahad Cawad oo Been Abuur ku tilmaamay in 10-Bilood uu sharciga Musuqmaasuqa Horyaalay Madaxweynaha “DHAGEYSO”

Next Post
Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saaray colaada Gobolka Galgaduud

Guddoomiye Mahad Cawad oo Been Abuur ku tilmaamay in 10-Bilood uu sharciga Musuqmaasuqa Horyaalay Madaxweynaha "DHAGEYSO"

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In