Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Riyadh heshiis iskaashi kula saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga, kaas oo lagu horumarinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta labada Wasaaradood.
Heshiiskan ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga dhinacyada Awqaafta, arrimaha Xajka iyo Cumrada, tababarrada culimada, is-weydaarsiga khibradaha, iyo horumarinta adeegyada diimeed ee loo fidiyo bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka faa’iideysta barnaamijyada Xajka iyo Cumrada.
Sidoo kale, heshiisku wuxuu fursad u siinayaa labada dal inay wadaagaan waayo-aragnimo ku saabsan maareynta Awqaafta, horumarinta hay’adaha diimeed, iyo ka hortagga fikirrada xagjirnimada, si loo xoojiyo doorka diinta Islaamka ee nabadda, wada-noolaanshaha, iyo horumarka bulshada.










