Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka wasaaradda Isgaarsiinta XFS oo ka qayb galay shir muhiim ah

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
7 months ago
in Wararka
0
Wasiirka wasaaradda Isgaarsiinta XFS oo ka qayb galay shir muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada ee XFS Mudane ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—บ (๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ), ayaa intii uu socday Shirweynaha 28-aad ee Ururka Boostada Adduunka (UPU), la yeeshay kulamo istiraatiiji ah dhiggiisa Wasiirka Isgaarsiinta iyo Dhaqaalaha Dijitaalka ee Kenya iyo wufuud heer Qaran ah oo ka socotay Zimbabwe iyo Imaaraadka Carabta.

Kulammadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee boostada iyo tiknoolajiyada, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay horumarinta nidaamyada isu-socodka alaabaha iyo waraaqaha boostada (mail items), maadaama Soomaaliya dhawaan dib u bilowday adeegyada boostada caalamiga ah.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa caddeeyey in Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay dhisidda iskaashi waara oo lala yeesho waddamada gobolka iyo caalamkaba, si loo xaqiijiyo in adeegyada boostada dalka ay noqdaan kuwo casri ah, isla markaana si buuxda ula jaan qaada heerarka caalamiga ah.

Dhiggooda Kenya, Zimbabwe iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku bogaadiyey dadaallada Soomaaliya ee lagu horumarinayo adeegyada boostada, waxayna muujiyeen diyaar-garow buuxa oo ku aaddan xoojinta iskaashiga, gaar ahaan tababarrada, taageerada farsamo iyo fududeynta isu-socodka caalamiga ah ee alaabaha boostada.

Kulammadan ayaa qeyb ka ah istiraatiijiyadda Soomaaliya ee ku wajahan dib-u-soo celinta kaalinta boostada Soomaaliya iyo in dalka si buuxda uga mid noqdo nidaamka caalamiga ah ee is-dhaafsiga boostada, taas oo kaalin mug leh ka qaadaneysa horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, iyo isku xirnaanta bulshada Soomaaliyeed.

Previous Post

Taliyaha Booliska Soomaaliya Oo Tababar U Soo Xiray Saraakiil Booliis Ah

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Dhagax-Dhigay Xaruntii Wasaaradda Waxbarashada Dalka

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Dhagax-Dhigay Xaruntii Wasaaradda Waxbarashada Dalka

Ra'iisul Wasaaraha XFS Oo Dhagax-Dhigay Xaruntii Wasaaradda Waxbarashada Dalka

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee ร‡aฤŸrฤฑ Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In