Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda XFS oo ka qeybgalay xuska maalinta akhris-qoraalka

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda XFS oo ka qeybgalay xuska maalinta akhris-qoraalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji, oo ay weheliyaan Agaasime Goboleedka Hay’add UNESCO, Sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale ayaa manta ka qeybgalay xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu maamuusaayay Xuska maalinta caalamiga ah ee akhris-qoraalka.

Hadal uu Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji ka jeediyay Xaflada, ayuu ku yiri “ Waxaa Sharaf u ah Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Dawladda Federalka Soomaaliya in ay xusto munaasabadda maalinta caalamiga ee akhris-qoraalka oo sannad walba dunnida laga xuso maanta oo kale oo ku beegan 8-da September”.

Related posts

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

February 3, 2026
Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

February 3, 2026

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa sidokale sheegay in Dowladda Federalka Soomaaliya, ay ka go’an tahay inay dhiiri-geliso barnaamijyada kor loogu qaadaayo akhris-qoraalka si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan xirfadaha akris-qoraalka.

Wasiirka ayaa bogaadiyay dhammaan dadaallada ay wadaan bah-wadaagta Waxbarashada ee looga gol leeyahay in la xaqiijiyo in arday kasta oo Soomaaliyeed uu helo xuquuqda uu u leeyahay waxbarasho sida ku cad qodobka 30aad ee dastuurka Qaranka,

Cabdullaahi Xaaji Abuukar, Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare  ayaa u mahad celiyay Hay’adaha UNESCO iyo USAID oo dawladda Soomaaliya ka caawiyay xuska munaasabaddan qiimaha badan, iyadoo sidoo kale loo mahad celiyay hawl-wadeennada isku hawlay diyaarinta munaasabadda.

Previous Post

Dagaallo ka dhacay Yeman oo logu dilay  60  ka mid ah maleeshiyaadka Xuutiyiinta

Next Post

Shir looga hadlayo maareynta biyaha oo maanta Muqdisho ka furmay +Sawirro

Next Post
Shir looga hadlayo maareynta biyaha oo maanta Muqdisho ka furmay +Sawirro

Shir looga hadlayo maareynta biyaha oo maanta Muqdisho ka furmay +Sawirro

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

February 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray waddo casri ah oo dhererkeedu yahay...

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

February 3, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, Guddoomiye Mudane Yuusuf Cabduqaadir Maxamed iyo Xoghayaha Gudiga Mudane...

Haweeney horay dil u geysatay oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

Haweeney horay dil u geysatay oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

February 3, 2026
0

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa toogasho lagu fuliyey Hodan Maxamuud Diiriye oo  Maxkamad ku taalla Puntland ay dil toogasho ah horay...

Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

February 3, 2026
0

Duqeyn culus ayaa saacadihii dambe ee xalay lagu beegsaday Khawaari muddooyinkii dambe godad ka qodanayay deegaanka Geedi-xeyr oo Waqooyi kaga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In