Saturday, January 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay Madaxa USAID u qaabilsan Waxbarashada iyo Caafimaadka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay Madaxa USAID u qaabilsan Waxbarashada iyo Caafimaadka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxa hay’adda USAID u qaabilsan adeegga bulshada, gaar ahaan Waxbarashada iyo Caafimaadka, Mr. Kevin Smith.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xoghayaha joogta ee wasaaradda waxbarashada mudane Axmed Xassan Yuusuf, iyo Iimaan Yaroow oo ka socday USAID.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka Oo 20-Xubnood Oo Horjoogeyaal Iyo Maleeshiyaad Khawaarij Ah Ku Dilay Gobolka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Oo 20-Xubnood Oo Horjoogeyaal Iyo Maleeshiyaad Khawaarij Ah Ku Dilay Gobolka Baay

January 3, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Bulshada Dhuusamareeb Kula Caweeyay Goobaha Nasashada

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Bulshada Dhuusamareeb Kula Caweeyay Goobaha Nasashada

January 3, 2026

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in madaxa USAID u qaabilsan adeegga bulshada, gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka ay ka wada hadleen ,xoojinta tageeradda farsamo iyo mida dhaqaale ee  USAID ka geysto horumarinta waxbarashada dalka.

“Maanta waxaan magaalada Muqdisho kulan kula qaatay, madaxa hay’adda USAID u qaabilsan adeegga bulshada,arrimaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah, sidii ay u xoojin lahayeen taageerada farsamo iyo mida dhaqaale ee ay ka geystan, horumarinta waxbarashada dalka’ayuu yiri mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sharaxaad ka siiyay halka ay mareyso waxbarashada dalka, gaar ahaan manhajka cusub, tababarka macalimiinta,tacliinta sare iyo xiriirka wasaaradda kala dhexeeya wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada.

Madaxa USAID u qaabilsan adeegga waxbarashada iyo caafimaadka Mr. Kevin Smith ayaa bogaadiyay dadaalka wasaaradda waxbarashada ay ugu jirto sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka isagoo ballan qaaday in USAID ay wasaaradda ku garab istaagi doono horumarinta waxbarashada.

“Waxaan bogaadinaya howsha ay qabtay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jirto sidii loo horumarin lahaa waxbarashada, waxaan ballan qaadaya in aan idinku garab istaagi doono, sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka’ayuu yiri Kevin Smith.

Wasaaradda waxbarashada dalka ayaa dadaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho tababar loogu soo gaba gabeeyay ilaa 100 macalin oo wax ka dhigi doono dugsiyo ku yaala gobolka Banaadir kuwaasoo ay gacanta ku heyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay wada-hadallada heerka sare ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo shir guddoomiyey kulan looga hadlay garsoorka “Sawirro”

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo shir guddoomiyey kulan looga hadlay garsoorka “Sawirro”

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo shir guddoomiyey kulan looga hadlay garsoorka “Sawirro”

Ciidanka Xoogga Dalka Oo 20-Xubnood Oo Horjoogeyaal Iyo Maleeshiyaad Khawaarij Ah Ku Dilay Gobolka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Oo 20-Xubnood Oo Horjoogeyaal Iyo Maleeshiyaad Khawaarij Ah Ku Dilay Gobolka Baay

January 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAAY):-Ciidamada gaarka ah ee Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa xalay fuliyay hawlgal gaar...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Bulshada Dhuusamareeb Kula Caweeyay Goobaha Nasashada

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Bulshada Dhuusamareeb Kula Caweeyay Goobaha Nasashada

January 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO(GALMUDUG):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga Dhuusamareeb, ayaa caawa tagey...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey deegaanka Wargaadhi

January 2, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwo deegaanka ayaa maanta jab xooggan gaarsiiyey kooxda Khawaarijta ah, kadib markii ay isku dayeen inay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026

January 2, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026   1- The Federal Republic of Somalia expressed thankfulness...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In