-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta kormeer ku tagay goobaha ay ka socdaan imtixaanka Dugsiyada sare ee Degmada Balcad.
Kormeerka Wasiirka waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Xildhibaan Cali Cumar (Cali Balcad) iyo Guddoomiyaha Degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Wasiirada ayaa bogaadiyay habsami u socodka imtixaanka, iyagoo ardayda u rajeeyey natiijo ay ku farxaan.