Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo Addis Ababa kaga qaybgalay Shirka Madasha Horumarinta Suuqyada Xoolo-dhaqatada Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo Addis Ababa kaga qaybgalay Shirka Madasha Horumarinta Suuqyada Xoolo-dhaqatada Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, ayaa magaalada Addis Ababa kaga qaybgalay Shirka Heer Wasiir ee Madasha Horumarinta Suuqyada Xoolo-dhaqatada Afrika (APMD), oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Midowga Afrika u qaabilsan Khayraadka Xoolaha (AU-IBAR).

Shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta suuqyada xoolaha, kobcinta maalgashiga iyo xoojinta iskaashiga dalalka Afrika, si loo dardargeliyo kobaca dhaqaalaha ku saleysan xoolaha.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

Wasiir Xasan Xuseen Maxamed ayaa madasha ka jeediyay warbixin uu ku faahfaahiyay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dib-u-habaynta siyaasadaha xoolaha, xoojinta adeegyada caafimaadka xoolaha, ballaarinta helitaanka suuqyada iyo dhiirrigelinta doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Wuxuu xusay in xooluhu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaaliya, isla markaana ay nolol u yihiin malaayiin qof, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay weli ka mid tahay dalalka ugu horreeya caalamka ee dhoofiya xoolaha nool.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay mudnaanta siinayso warshadaynta hilibka, horumarinta silsiladaha wax-soo-saarka iyo casriyeynta kaabeyaasha xoolaha, si loo abuuro fursado shaqo oo ay ka faaโ€™iideystaan dhallinyarada iyo haweenka, loona kordhiyo dakhliga ka soo xarooda dhoofka.

Intii uu socday shirka, Wasiirka ayaa soo bandhigay mashaariicda muhiimka ah ee ay Soomaaliya waddo, kuwaas oo ay ka mid yihiin Nidaamka Maaraynta Xogta Suuqyada Xoolaha Soomaaliya (LIMS), Nidaamka Aqoonsiga iyo Raadraaca Xoolaha (SOMLITS), iyo diyaarinta Qorshaha Guud ee Maalgashiga Xoolaha Soomaaliyeed.

Gabagabadii, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, ayaa ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dowladaha Afrika, ururrada gobolka, hayโ€™adaha horumarinta iyo ganacsatada, si loo kordhiyo maalgashiga, loo horumariyo silsiladaha wax-soo-saarka xoolaha, loona adkeeyo sugnaanta cuntada iyo kobaca dhaqaalaha qaaradda Afrika.

Previous Post

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‘๐ฎ๐ ๐ญ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š

Next Post

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

Next Post
Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

October 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In