Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaannada Xoolaha Puntland oo ka warbixiyay kulanka Golaha Wakiilada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Xanaannada Xoolaha Puntland oo ka warbixiyay kulanka Golaha Wakiilada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Xanaannada Xoolaha Puntland Mudane, Siciid Cusmaan Aadan oo maanta hortagay Fadhiga 4aad ee Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxa uu la wadaagey warbixin ku saabsan madaxjarrada Puntland iyo shaqada ka socoda, iyadoo guddigu su’aalo ka weydiideen warbixinta Wasiirka.

Intaas kadib, Guddigu waxay go’aamiyeen in heshiisyada lala galay Madaxjarka Al-jaabiri iyo Maxjarka Wadaniga ah, ay Golaha u soo gudbiyaan Wasaaradda Xannaanada Xolaha iyo Agaasimaha Guud ee Maxjaradda Puntland, muddo 14 cisho gudaheed ah oo ka bilaabmaysa 31/01/2022.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Wasiirka xanaannada Xoolaha ee Puntland mudane Siciid Cusmaan Aadan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Guddiga ay u gudbiyeen Maxjarada ku yaala dekadda Boosaaso iyo heshiisyada lala galay.

“Golaha Wakiilada Puntland runtii shaqadoodu waxa weeye, isla xisaabtanka Hay’adaha Xukuumadda, shaqada aan bulshada u heyno iyo isla xisaabtanka ayuu qeyb ka ahaa”.ayuu yiri Wasiirka.

Mudane Siciid Cusmaan Aadan ayaa xusay in Wasaaraddu ay dekadda Boosaaso ku leedahay xafiis la shaqeeyo Maxjarada oo hubiya shaqada halkaas ka socota iyo dhaqaatiir u gaar ah Wasaaradda oo aqoon u leh Xanaannada Xoolaha.

Previous Post

Guddiga Doorashada Heer D/G Galmudug oo shaaciyay ergada saddex kursi

Next Post

Wasiiru dowlaha A/Dibadda oo ku baaqay dhammaystirka Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiru dowlaha A/Dibadda oo ku baaqay dhammaystirka Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta “SAWIRRO”

Wasiiru dowlaha A/Dibadda oo ku baaqay dhammaystirka Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta "SAWIRRO"

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In