Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro iyo Diblomaasiyiin ka tacsiyadeey geerida marxuum Yuusuf Afgooye

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiiro iyo Diblomaasiyiin ka tacsiyadeey geerida marxuum Yuusuf Afgooye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, Wasiiru dowlaha H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Wasiir kuxigeenka H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Danjire Ali Mohamed Ali, Agaasimaha Xafiiska Wasiirka Mudane Abdullahi Dool Mohamed, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan qoyska, ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Sheikh Yusuf Ali Mohamed (Yusuf Afgoi) oo shalay oo taariikhdu ahayd May 28, 2018 ku geeriyooday Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka koonfureed ee Muqdisho, halkaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay qoyskiisu ku baxnaaninayeen kadib xanuun la soo gudboonaaday tan iyo bilowgii bishii hore ee April.

Marxuumka oo ka mid ahaa diblomaasiyiinta sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, kana mid ahaa muddooyinkii dambe lataliyeyaasha sare ee Wasaaradda, ayaa dalkiisa iyo dadkiisa ugu shaqeeyay si nafhurnimo leh oo kalsooni ay ku dheehan tahay.

Intii u dhexeysay 1976 – 2007, waa muddo 31 sano waxa uu ahaa macallin sidoo kale maamule dugsiyo hoose/dhexe iyo sare oo ku kala yaalla Degmooyinka Afgooye, Wanle weyn, Buur Hakaba iyo Caasimadda Muqdisho.

Intii u dhexeysay 2008-2016 Waxa uu ahaa Agaasimaha Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

December 31, 2010 waxa uu ka mid ahaa Korjoogtada IGAD ee aftida gooni isku taagga Koonfurta Suudaan ee ka go’day dalka Suudaan.

Intii u dhexeysay February 07- 25, 2011 waxa uu ka mid ahaa Korjoogtada IGAD ee doorashada madaxtinimo ee Uganda.

Intii u dhexeysay 2014-2016 Isaga oo ah Agaasimaha Waaxda Carabta, ayaa waxa kale oo loo magacaabay Siihayaha xilka Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Intii u dhexeysay 2016-2018 Waxa uu ahaa lataliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Sheekh Yuusuf Cali Maxamed (Yuusuf Afgooye) oo sanadkii 1983 ka qalin jebiyay Kulliyadda Waxbarashada, Qeybta Carabiga iyo Juquraafiga ee Jaamacadda Ummadda, Laanteeda Lafoole, ayaa diblomaasiyadda ka bartay Machadka MIIM ee Pakistan, sidoo kale waxa uu tababaro diblomaasiyadeed ku qaatay dalalka Masar iyo Kenya.

Marxuumka oo ku geeriyooday da’da 62 sano-jir waxa uu ku dhashay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose sanadkii 1956, waxa uu ifka kaga tagay xaas iyo caruur.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa, asxaabtiisa iyo Ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

 

Previous Post

Duufaan xoog leh oo ku dhufatay Gobolka Flodidda ee Mareykanka  

Next Post

Madxweynha Maamulka Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Ku-Xigeenka Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey

Next Post
Madxweynha Maamulka Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Ku-Xigeenka Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey

Madxweynha Maamulka Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Ku-Xigeenka Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In