Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro iyo Diblomaasiyiin ka tacsiyadeey geerida marxuum Yuusuf Afgooye

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiiro iyo Diblomaasiyiin ka tacsiyadeey geerida marxuum Yuusuf Afgooye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, Wasiiru dowlaha H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Wasiir kuxigeenka H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Danjire Ali Mohamed Ali, Agaasimaha Xafiiska Wasiirka Mudane Abdullahi Dool Mohamed, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan qoyska, ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Sheikh Yusuf Ali Mohamed (Yusuf Afgoi) oo shalay oo taariikhdu ahayd May 28, 2018 ku geeriyooday Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka koonfureed ee Muqdisho, halkaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay qoyskiisu ku baxnaaninayeen kadib xanuun la soo gudboonaaday tan iyo bilowgii bishii hore ee April.

Marxuumka oo ka mid ahaa diblomaasiyiinta sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, kana mid ahaa muddooyinkii dambe lataliyeyaasha sare ee Wasaaradda, ayaa dalkiisa iyo dadkiisa ugu shaqeeyay si nafhurnimo leh oo kalsooni ay ku dheehan tahay.

Intii u dhexeysay 1976 – 2007, waa muddo 31 sano waxa uu ahaa macallin sidoo kale maamule dugsiyo hoose/dhexe iyo sare oo ku kala yaalla Degmooyinka Afgooye, Wanle weyn, Buur Hakaba iyo Caasimadda Muqdisho.

Intii u dhexeysay 2008-2016 Waxa uu ahaa Agaasimaha Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

December 31, 2010 waxa uu ka mid ahaa Korjoogtada IGAD ee aftida gooni isku taagga Koonfurta Suudaan ee ka go’day dalka Suudaan.

Intii u dhexeysay February 07- 25, 2011 waxa uu ka mid ahaa Korjoogtada IGAD ee doorashada madaxtinimo ee Uganda.

Intii u dhexeysay 2014-2016 Isaga oo ah Agaasimaha Waaxda Carabta, ayaa waxa kale oo loo magacaabay Siihayaha xilka Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Intii u dhexeysay 2016-2018 Waxa uu ahaa lataliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Sheekh Yuusuf Cali Maxamed (Yuusuf Afgooye) oo sanadkii 1983 ka qalin jebiyay Kulliyadda Waxbarashada, Qeybta Carabiga iyo Juquraafiga ee Jaamacadda Ummadda, Laanteeda Lafoole, ayaa diblomaasiyadda ka bartay Machadka MIIM ee Pakistan, sidoo kale waxa uu tababaro diblomaasiyadeed ku qaatay dalalka Masar iyo Kenya.

Marxuumka oo ku geeriyooday da’da 62 sano-jir waxa uu ku dhashay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose sanadkii 1956, waxa uu ifka kaga tagay xaas iyo caruur.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa, asxaabtiisa iyo Ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

 

Previous Post

Duufaan xoog leh oo ku dhufatay Gobolka Flodidda ee Mareykanka  

Next Post

Madxweynha Maamulka Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Ku-Xigeenka Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey

Next Post
Madxweynha Maamulka Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Ku-Xigeenka Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey

Madxweynha Maamulka Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Ku-Xigeenka Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

January 22, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Cali (Xoosh) oo safar shaqo ku jooga Pakistan ayaa...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

January 22, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo ay garab taagan yihiin Ciidamada Amniga Jubbaland, isla markaana kaashanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In