Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, oo booqasho ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Qatar, Mudane Sheikh Faisal bin Thani bin Faisal Al Thani.
Intii uu kulanku socday, labada wasiir waxay dib u eegis ku sameeyeen heerka xiriirka ganacsi, maalgashi iyo warshadeed ee u dhexeeya labada dal, iyagoo isla gartay baahida loo qabo in la sii xoojiyo iskaashigaas, lana horumariyo fursadaha wadajirka ah.
Kulankan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar.










