Wasiiru dowlaha howlaha guud iyo guryeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya General Bashiir Maxamed Jaamac oo xariga ka jaray dhismayaasha Iyo wareejinta Maxkamada iyo Iskuul Degmada Cadaado.
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru dowlaha howlaha guud iyo guryeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya Bashiir Maxamed Jaamac ayaa soo gaaray Magaaladda Cadaado ee gobolka Galgaduud u jeedka Socdaalka Wafdigaan oo ka kooban Wasiir ku-xugeenka gaadiidka iyo hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya,Wasiirka Waxbarashada Galmudug Maxamed xasan dhoore, Wasiirka howlaha guud ee Maamulka Galmudug Axmed Dhiblaawe Casir Iyo Wasiirka Caddaalada Galmudug Cabdi Fiidow , ayaa xariga ka jaray dhismayaasha Iyo wareejinta xarumaha danta guud ee Maxkamada iyo Dugsiga Sare ee laga dhisay magaaladda Cadaado.
Dhismayaashaan danta guud ee Maxkamada iyo Dugsi Sare oo ay maalgalinayaan Midowga Yurub oo kaashanayo Maamulka Galmudug ayaa waxaa xarig jarkiisa ugu horreyn ka hadlay Nuur yarow “shaarbacade” guddoomiye ku-xigeenka degmada Cadaado.
“Shacabka dagmada Cadaado waxaan ka codsanayaa inay illaashadaan ,dhismaha maanta looga hirgaliyay magaalada oo kala ah Maxkamada iyo Dugsiga Sare”. Ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka degmada Cadaado.
Wasiirka Waxbarashada maamulka Galmudug Maxamed Xasan Dhoore Iyo Wasiirka Caddaalada Galmudug Cabdi Fiidow ayaa dhankooda kahadlay muhiimaha dhismayaasha Skuulka Iyo Maxkamada. Ayaa dhankooda boggaadiyay dhismayashaan muhiimka u ah bulshada dagmada cadaado oo.
Ugu dambeyn Wasiiru dowlaha howlaha guud iyo guryeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya Bashiir Maxamed Jaamac ayaa xariga ka jaray dhismayaasha labadaan Xarun ee Maxkamada iyo Dugsiga Sare ee loodhisay Magaalada Cadaado.