Monday, July 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru Dowlaha Warfaafinta Soomaaliya oo Nairobi Kula Kulmay Wasiirka Dalxiiska Kenya”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiiru Dowlaha Warfaafinta Soomaaliya oo Nairobi Kula Kulmay Wasiirka Dalxiiska Kenya”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Bekos) ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula yeeshay wasiirka dalxiiska ee dowladda Kenya Najiib Balala iyo xoghayaha jogtada ah ee wasaarada dalxiiska Kenya Faadumo Xirsi,iyagoo ka wada hadlay arrimaha dalxiiska iyo duur-joogta ee labada wadan.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socotay safaaradda Soomaaliya ee wadankani Kenya ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha dalxiisa iyo duur-joogta.

Related posts

NISA oo Muqdisho keentay laba eedeysane oo lagu qabtay Hub sharci-darro ah

NISA oo Muqdisho keentay laba eedeysane oo lagu qabtay Hub sharci-darro ah

July 6, 2026
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo kulan la qaatay hay’adda TICA ee Dalka Thailand

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo kulan la qaatay hay’adda TICA ee Dalka Thailand

July 6, 2026

Wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee DFS mudane Maxamuud Cabdi Xasan oo kulanka kaddib la hadlay TV-ga qaranka ayaa hoosta ka xariiqay in kulanka si gaar ah loogu gurfeeyay arrimaha dalxiiska iyo sidii dowlada Soomaaliya ay dhanka dalxiiska uga faa’ideysan lahayd dowlada Kenya.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in wasaarada warfaafintu ay dooneyso in ay sameeyso shuruucda dalxiiska oo usan dalkeena horey u lahayn iyo sidoo kale sidii loo sameyn lahaa shuruucda duur-joogta iyo qaabkii laa bad baadin lahaa.

“Waxaan dooneenaa in ay dowlada Kenya gacan naga siiso sameeynta sharciyada dalxiiska iyo sidii dalxiiska dhaqaale looga sameyn lahaa,sida aad ogtiihin wadamo badan ayaa dhaqaalahoodu ku tiirsanyahay dalxiisa,waxana dalkeenu uu yahay mid dalxiiska ku fiican”Ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska xukuumada Somaaliya.

Wasiiru dowlaha warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Maxamuud Cabdi Xasan Bekos ayaa sheegay in labada wasaaradood ay isku af-garteen in ay kala saxiixdaan heshiis is af-garad ah,iyagoo is-weydaarsanay khuburo iyo tababarro dhanka dalxiiska iyo duur-joogta ah.

Ugu dambeyn wasiiru dowlaha wasaarada Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Maxamuud Cabdi Xasan Bekos ayaa sheegay in wasiirka dalxiiska ee Kenya uu ballan qaaday in dowladda Soomaaliya uu ka caawin doonaan caqabadaha ka haysto dhanka dalxiiska iyo duur-joogta.

IMG_4591 IMG_4593 IMG_4594 IMG_4595 IMG_4600 IMG_4602 IMG_4611 IMG_4612 IMG_4613 IMG_4615 IMG_4617 IMG_4618 IMG_4619 IMG_4623 IMG_4626 IMG_4646 IMG_4648 IMG_4650 IMG_4652 IMG_4654 IMG_4655 IMG_4656 IMG_4657

Dhanka kale wasiiru dowlaha wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Maxamuud Cabdi Xasan Bekos ayaa isna la kulmay safiirka dowlada u fadhiya Soomaaliya,waxana ay ka wada hadleen arrimo quseeyo labada dal.

IMG_4732 IMG_4733 IMG_4735 IMG_4736

Sawir Qaade:- Hassan Omar Baffo

Previous Post

Madaxweyne Xasan oo Jarmalka kaga qeybgalaya shirka caalamiga ee amniga iyo Ka hortagga xasaradaha dunida

Next Post

Shir lagu soo bandhigayo deeqaha waxbarasho oo ay Hindiya siiso dowladaha Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya Oo Ka Furmay Nairobi”Sawirro”

Next Post
Shir lagu soo bandhigayo deeqaha waxbarasho oo ay Hindiya siiso dowladaha Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya Oo Ka Furmay Nairobi”Sawirro”

Shir lagu soo bandhigayo deeqaha waxbarasho oo ay Hindiya siiso dowladaha Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya Oo Ka Furmay Nairobi"Sawirro"

NISA oo Muqdisho keentay laba eedeysane oo lagu qabtay Hub sharci-darro ah

NISA oo Muqdisho keentay laba eedeysane oo lagu qabtay Hub sharci-darro ah

July 6, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa maanta magaalada Muqdisho keenay laba eedeysane oo kala ah Cabdi Maxamed...

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo kulan la qaatay hay’adda TICA ee Dalka Thailand

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo kulan la qaatay hay’adda TICA ee Dalka Thailand

July 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo booqasho ku jooga dalka Thailand, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo tagay caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee KGS

Madaxweynaha JFS oo tagay caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee KGS

July 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Baydhabo oo shir guddoomiyay kulan lagu xoojinayo amniga KGS 

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Baydhabo oo shir guddoomiyay kulan lagu xoojinayo amniga KGS 

July 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlay xoojinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In