Friday, November 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru Dowlaha Warfaafinta Soomaaliya oo Nairobi Kula Kulmay Wasiirka Dalxiiska Kenya”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiiru Dowlaha Warfaafinta Soomaaliya oo Nairobi Kula Kulmay Wasiirka Dalxiiska Kenya”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Bekos) ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula yeeshay wasiirka dalxiiska ee dowladda Kenya Najiib Balala iyo xoghayaha jogtada ah ee wasaarada dalxiiska Kenya Faadumo Xirsi,iyagoo ka wada hadlay arrimaha dalxiiska iyo duur-joogta ee labada wadan.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socotay safaaradda Soomaaliya ee wadankani Kenya ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha dalxiisa iyo duur-joogta.

Related posts

Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada Soomaaliya oo la spo gabagabeeyay

Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada Soomaaliya oo la spo gabagabeeyay

November 13, 2025
Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda  Muqdisho

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Muqdisho

November 13, 2025

Wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee DFS mudane Maxamuud Cabdi Xasan oo kulanka kaddib la hadlay TV-ga qaranka ayaa hoosta ka xariiqay in kulanka si gaar ah loogu gurfeeyay arrimaha dalxiiska iyo sidii dowlada Soomaaliya ay dhanka dalxiiska uga faa’ideysan lahayd dowlada Kenya.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in wasaarada warfaafintu ay dooneyso in ay sameeyso shuruucda dalxiiska oo usan dalkeena horey u lahayn iyo sidoo kale sidii loo sameyn lahaa shuruucda duur-joogta iyo qaabkii laa bad baadin lahaa.

“Waxaan dooneenaa in ay dowlada Kenya gacan naga siiso sameeynta sharciyada dalxiiska iyo sidii dalxiiska dhaqaale looga sameyn lahaa,sida aad ogtiihin wadamo badan ayaa dhaqaalahoodu ku tiirsanyahay dalxiisa,waxana dalkeenu uu yahay mid dalxiiska ku fiican”Ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska xukuumada Somaaliya.

Wasiiru dowlaha warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Maxamuud Cabdi Xasan Bekos ayaa sheegay in labada wasaaradood ay isku af-garteen in ay kala saxiixdaan heshiis is af-garad ah,iyagoo is-weydaarsanay khuburo iyo tababarro dhanka dalxiiska iyo duur-joogta ah.

Ugu dambeyn wasiiru dowlaha wasaarada Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Maxamuud Cabdi Xasan Bekos ayaa sheegay in wasiirka dalxiiska ee Kenya uu ballan qaaday in dowladda Soomaaliya uu ka caawin doonaan caqabadaha ka haysto dhanka dalxiiska iyo duur-joogta.

IMG_4591 IMG_4593 IMG_4594 IMG_4595 IMG_4600 IMG_4602 IMG_4611 IMG_4612 IMG_4613 IMG_4615 IMG_4617 IMG_4618 IMG_4619 IMG_4623 IMG_4626 IMG_4646 IMG_4648 IMG_4650 IMG_4652 IMG_4654 IMG_4655 IMG_4656 IMG_4657

Dhanka kale wasiiru dowlaha wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Maxamuud Cabdi Xasan Bekos ayaa isna la kulmay safiirka dowlada u fadhiya Soomaaliya,waxana ay ka wada hadleen arrimo quseeyo labada dal.

IMG_4732 IMG_4733 IMG_4735 IMG_4736

Sawir Qaade:- Hassan Omar Baffo

Previous Post

Madaxweyne Xasan oo Jarmalka kaga qeybgalaya shirka caalamiga ee amniga iyo Ka hortagga xasaradaha dunida

Next Post

Shir lagu soo bandhigayo deeqaha waxbarasho oo ay Hindiya siiso dowladaha Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya Oo Ka Furmay Nairobi”Sawirro”

Next Post
Shir lagu soo bandhigayo deeqaha waxbarasho oo ay Hindiya siiso dowladaha Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya Oo Ka Furmay Nairobi”Sawirro”

Shir lagu soo bandhigayo deeqaha waxbarasho oo ay Hindiya siiso dowladaha Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya Oo Ka Furmay Nairobi"Sawirro"

Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada Soomaaliya oo la spo gabagabeeyay

Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada Soomaaliya oo la spo gabagabeeyay

November 13, 2025
0

Waxaa si rasmi ah magaalada Jowhar loogu soo gabagabeeyay Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada Soomaaliya (CHF), kaas oo...

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda  Muqdisho

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Muqdisho

November 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Magaalada...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

November 13, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

November 13, 2025
0

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In