Kulan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayay waxgaradka iyo Bulshada magaaladaas ku goโaamiyeen in ahmiyadda koowaad la siiyo howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda dalka.
Waxgaradka reer Gaalkacyo ayaa ku adkeystay in la garab istaago ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga kacdoonka dadweynaha ee dagaalka kula jira kooxaha Khawaarijta lana bogaadiyo guulaha laga gaaray dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada Galguduud iyo Mudug.
Odayaasha ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in ay isla garteen in la taageero howlgallada Khawaarijta looga sifeynayo dalka, kuwaas oo hadda meel wanaagsan maraya, islamaraakana meel la iska dhigo danaha gaarka ah loona wada jiheysto dagaalka.
Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga dadweynaha ayaa guulo la taaban karo ka soo hooyay la dagaallanka Khawaarijta, kaas ooย degmooyin iyo degaanno badan looga saaray, waxaana hadda nabad iyo kala dambeyn ku soo laabtay goobihii laga saaray nabad-diidka.