Tuesday, June 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 19, 2016
in Keyd Hore, Wararka
0
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 19 Maarso 2016 โ€“ Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Midowga Yurub oo 9 mashaariic cusub ah ka hirgelineysa Somalia, Madaxweynaha Jubbaland oo dib-u-heshiisiin hirgeliyey, Shirka Wadatashiga Dib u eegista Dastuurka oo lagu qabtay Baydhabo, Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka oo xarun cusub oo SNTV ka furay London, Burundi iyo Somalia oo iska kaashanaya nabadeynta Soomaaliya, Talyaaniga oo Dib u dhiska Somalia ka qeybqaadanaya, Kulan Wadatashi Hannaanka Dowladaha Hoose oo lagu qabtay Muqdisho, Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Australia, Maxkamada Ciidamada oo Dil toogasho ku xukuntay maleeshiyaad Al-Shabaab ah iyo Duqa Muqdisho oo Dayactir waddo xariga ka jaray

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Abooreyย 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025

Midowga Yurub oo 9 mashaariic cusub ah ka hirgelineysa Somalia

Wasiirka Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdirahman Yusuf Cali Ceynte iyo Safiirka Midowga Yurub H.E. Michele Cervone dโ€™Urso ayaa si wadajir ah u daahfuray mashaariicdan 14kii Maarso 2016. Mashaariicdaan ayaa waxaa fulinaya 7 Hayโ€™ado caalami ah iyo 11 Hayโ€™ado maxali ah oo Soomaaliyeed. Mashaariicdan ayaa waxaa ku baxaya 8 Million EURO oo ujeedadu tahay in Bulshada Rayidka lagu taageero inay si firfircoon uga qeybqaataan nabadeynta dalka iyo dhismaha hayโ€™adaha dowliga ah sida ku cad barnaamijka New Deal ka. Wasiirka Qorsheynta ayaa soo dhoweeyey taageradan Midowga Yurub ku xoojineyso hayโ€™adaha bulshada rayidka ah. Safiirka Midowga Yurub ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ka goโ€™antahay taageerida Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Xaflada daahfurka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Warfaafinta, Dalxiiska &

Madaxweynaha Jubbaland oo dib-u-heshiisiin hirgeliyey

Shir dib u heshiisiin ah oo maalmo ka socday magaalada Kismaayo ayaa 16kii Maarso 2016 waxaa lagu soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay Jubbaland yo siyaasiyiintii mucaaradsanaa ee ka soo jeeday qeybo ka mid ah Gobolka Gedo. Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ka qeyb galay shirka ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid muhiim ah oo gacan ka geysan doono nabada deegaanada Maamulka Jubbaland. Siyaasiyiinta mucaaradka iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku heshiiyay 14 qodob, waxaana la isla qaatay in dhamaan 14-kaas qodob la dhaqan geliyo. Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhankiisa sheegay inuu soo dhoweynayo heshiiska, isla markaana loo baahan yahay in wixii hada ka dambeeya laga shaqeeyo horumarka, nabada iyo dib u heshiisiinta. Siyaasiyiinta heshiiska qaatay ayaa sheegay in qodobadii ay soo jeediyeen dhamaantood la qaatay oo ay ku qanacsan yihiin. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kula dardaarmay dhinacyada in ay xoojiyaan midnimadooda, kana foogaadaan wax kastoo waxyeeli kara wadajirka iyo walaaltinimadooda, bacdamaa dalku u baahan yahay xasilooni, taas oo lagu gaari karo horumar, isku tashi, amni iyo caddalad.

Shirka Wadatashiga Dib u eegista Dastuurka oo lagu qabtay Baydhabo

Shirka Wadatashiga Dib u eegista Dastuurka ayaa ka furmay Baydhabo 15kii Maarso isla markaasna la soo gabogabeeyey 17kii Maarso 2016. Shirkan Wadatashiga bulshada ayaa waxaa soo agaasintay Wasaaradda Dastuurka Xukummadda Soomaaliya. Shirkan waxaa ka qaybgalay xildhibaannada maamulka Koonfur-Galbeed oo uu hoggaaminayo gudoomiyahooda, C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Somalia, gudiyada arrimaha dastuurka dalka iyo Wasiirka Dastuurka Somalia Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen. Goddoomiyaha baarlamanka Koonfur-Galbeed ayaa ka hadlay muhiimadda uu u leedahay baarlamanka Koonfur-galbeed inuu la socdo, ayna ku darsadaan talooyin hannaanka dib u eegista dastuurka, si loo helo dastuur loo dhan yahay. Waiirka Dastuurka Somalia ayaa ka hadlay howlaha ugu waa-weyn ee u yaalla labada gole heer federaal iyo heer gobolba. Isagoo xusay in dastuurku uu ku noqon karo mid Soomaali leedahay loona dhan yahay in dhamaan dadka Soomaaliyeed ay ka wada qayb-qaataan talooyinna ku yeeshaan.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka oo xarun cusub oo SNTV ka furay London

Raโ€™isul wasaare ku xigeenka Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa xariga ka jaray xarun cusub oo warbaahinta qaranku ay ka furatay magalada London ee caasimada dalka Ingriiska. Madaxa SNTV London, Faadumo Faandhe Cali ayaa masโ€™uuliyiinta uga warbixisay xaruntan iyo qaabka ay u shaqayn doonto, sidoo kalana mahadnaq u dirtay guud ahaan masuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo daawadayaasha SNTV. Masโ€™uuliyiinta Jaaliyada UK ayaa iyagana u hambalyeeye SNTV, isla markaana ballanqaaday inay la shaqeyn doonaan. Raโ€™iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa hambalyo iyo dhiirigalin u jeediyey SNTV. Waxaana xaflada goobjoog ahaa Wasiiru Dowlaha xafiiska Raโ€™isul Wasaaraha mudane Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi.

Burundi iyo Somalia oo iska kaashanaya nabadeynta Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 16kii Maarso 2016 xarunta madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne Ku Xigeenka 1-aad ee Jamhuuriyadda Burundi, Gaston Sindimwo oo booqasho laba maalmood qaadaneysa ku yimid dalka. Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka mahad celiyay doorka naf-hurnimo ee dowladda Burundi ay ka qaadaneyso sidii nabad waarta Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa, isagoo dhanka kalena xusay in labada dal ay dhinacyo badan iska kaashan karaan. Madaxweyne Ku Xigeenka Burundi Mr Sindimwo, ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay soo dhoweynta diiran ee loogu sameeyay caasimada Soomaaliya, isagoo intaa ku darey in booqashadiisa ay la xiriirto martiqaad horey ay ugu fidiyeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya. Heshiisyada ay labada dhinac gaareen ee la doonayo in la fuliyo ayaa waxaa ka mid ah gaashaandhigga, kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, beeraha, ganacsiga iyo in xogta dhinaca amniga la is weydaarsado. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda, Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka- Jiir, Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda, Axmed Cali Kadiye iyo xubno kale oo ka socday labada dal.

Talyaaniga oo Dib u dhiska Somalia ka qeybqaadanaya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga ayaa 15kii Maarso 2016 kulan la qaatay Raโ€™iisul Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi. Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin xiriirka qotada dheer ee labada dal, arrimaha amniga iyo xoojinta iskaashiga labada dawladood. Raโ€™iisul Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi ayaa ballanqaaday inuu garab taagan yahay Soomaaliya isla markaana ay Talyaaniga ka caawin doonaan shacabka Soomaaliyeed Arrimaha soo celinta nabad-gelyada iyo sidii Soomaaliya ay mar-kale cagaheeda isugu taagi lahayd, iyadoo labada Raโ€™iisul Wasaare isla garteen in la abaabulo Shirka Iskaashiga Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Talyaaniga si kor loogu sii qaado xiriirka labada dal ee soo jireenka ah.

Kulan Wadatashi Hannaanka Dowladaha Hoose oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan Wada-tashi ah oo looga hadlayay hanaanka loo marayo dhisidda dowladaha Hoose iyo la xisaabtanka hayโ€™adaha heer maamul oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa ka furmay Muqdisho 15kii Maarso 2016. Xafladii furitaanka waxaa ka qeyb galay Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha, Wasiirro, Xildhibaanno, xubno ka socday Dowlad Goboleedyada dalka ka jira iyo Maamulada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Gobolka Banaadir. Shirka oo socon doono muddo shan cisho ah ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa hanaanka Qaran ee loo marayo dhisidda dowladaha Hoose iyo sidii bulshada loo gaarsiin lahaa adeegyada dowladnimo. Wasiiru dowladaha arrimaha gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ka qeyb galayaasha kula dar daarmay in muddada uu socdo shirka ay tallooyin ku darsadaan qabyo qoraalka ku saabsan dhisidda dowladaha Hoose ee halku-dhigiisu yahay โ€œWadajirโ€. Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Jaamacad Ilka-jiir oo furey shirka ayaa sheegay in dowladnimadu ay lafdhabar u tahay in la helo dowlado hoose oo awood leh, isla markaana daboola baahiyaha ay bulshada qabaan.

Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Australia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 14kii Maarso 2016 xarunta madaxtooyada kaga guddoomay warqadihi aqoonsiga, danjiraha Australia, wakiilka uga noqon doona Soomaaliya Mr John Feakes. Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Australia, taageerada ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhacdaddii dhowaan ay ciidammada Australia ku qabteen hub si sharci darro ah loogu soo wadey Soomaaliya. Mr Feakes, danjiraha cusub ee Australia, ayaa madaxweynaha iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya ugu hambalyeeyay horumarka lagu tallaabsadey dhinacyada amniga, siyaasadda, hirgelinta nidaamka federaalka iyo xasilinta dalka, isagoo sheegay in Australia iyo beesha caalamka ay ka war-hayaan xaaladaha adag ee dowladda Soomaaliya ku shaqeyso. Danjiraha ayaa ka mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhoweeyay dalka, waxaana uu ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal, dhinacyada kaalmada horumarinta, maalgashiga iyo gacan-siinta hannaanka siyaasadda Soomaaliya ee 2016-ka. Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Mudane Axmed Cali Kadiye iyo masโ€™uuliyiin kale oo ka kala socday labada dal.

Maxkamada Ciidamada oo Dil toogasho ku xukuntay maleeshiyaad Al-Shabaab ah

Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowlada Soomaaliya ayaa 12kii Maarso 2016 xukunno ku riday eedeysanayaal lala xiriiriyey weeraradii bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Eedeysanayaasha la xukumay oo gaarayey ilaa iyo todobo ruux ayaa maxkamadu waxaa shan kamid ah ay ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii ay ku cadaadeen dambiyadii loo heystay oo ahaa in ay ku lug lahaayeen weeraradii ka dhacay bishii hore magaalada Baydhabo, halkaas oo dad shacab ah dhibaato ay kasoo gaartay. Labada ruux ee kale ayey maxkamadu midkood fasaxday, halka ruuxa kalena lagu xukumay sadex sano oo xabsi ah, sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamada darajada koowad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle dhexe Xasan Cali Nuur Shuute.

Duqa Muqdisho oo Dayactir waddo xariga ka jaray

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Xuseen Yuusuf Jimcaale ayaa 12kii Maarso 2016 xariga ka jaray waddo laami ah oo Maamulka Gobolka Banaadir dib u dayactiray, taas oo isku xirta Dekadda weyne ee Muqdisho ilaa iyo isgoyska Ceel Gaabta. Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoore ayaa sheegay in tobanka bishii Febraayo la dhagax dhigay, haatanna lagu guuleystay in dib u dayactir lagu sameyo. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xuseen Yuusuf Jimcaale ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan dib u dhiska xarumaha danta guud. Dhismaha Wadadan ayaa waxaa fuliyey Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana uu ka mid yahay mahshruuca dalkaada dhiso oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay.

1 2 3 4 5 6 7 8 9

 

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ku baaqday in gurmad lala gaaro dadka ay saameeyeen abaaraha

Next Post

Waalidiin dhalay carruur ku dhimatay barkad biyo lacaga cabo oo codsaday in la caawiyo

Next Post
Tacadiyada haweenka loo geysto oo looga hadlay kulan lagu qabtay Caabudwaaq

Waalidiin dhalay carruur ku dhimatay barkad biyo lacaga cabo oo codsaday in la caawiyo

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Abooreyย 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada...

Wararka ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: โ€œ๐’๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฅ ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ข๐ง ๐๐ข๐› ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ฅ๐š๐š๐›๐ญ๐จ ๐๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐๐š๐๐›๐š๐งโ€

Wararka ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: โ€œ๐’๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฅ ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ข๐ง ๐๐ข๐› ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ฅ๐š๐š๐›๐ญ๐จ ๐๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐๐š๐๐›๐š๐งโ€

June 23, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO: ย Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In