Saturday, May 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 9, 2015
in Wararka
0
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 08 August 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Dowladda oo heshiis Sahanka Nolosha ah la gashay Bankiga Adduunka, Booliiska oo xirfadahooda kor loo qaadayo, Madaxweynaha Jubbaland oo wadatashi ka bilaabay Doolow, Booliska Gaalkacyo oo Lacag been abuur ah qabtay, Hay’adaha Amniga oo bur-buriyey baro argagaxisadu ku dhuumaaleysanayeen, Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo waraaqihii aqoonsiga laga guddoomay, Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Banadir oo si habsami leh u socda, Horumarka Waxbarashada Soomaliya iyo Baarlamaanka GalMudug oo ansixiyey Xeer Hoosaadkiisa.

Related posts

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka xal u helista Barakacayaasha oo Addis ababa lagu qabtay

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka xal u helista Barakacayaasha oo Addis ababa lagu qabtay

May 24, 2025
Guddoomiye kuxigeenka 2-Aad ee golaha shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzaaniya

Guddoomiye kuxigeenka 2-Aad ee golaha shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzaaniya

May 24, 2025

Dowladda oo heshiis Sahanka Nolosha ah la gashay Bankiga Adduunka

Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Bankiga Aduunka ayaa Heshiis ku saabsan sahan nolosha dhabta ah oo ay ku nooshahay Bulshada Soomaaliyeed ku kala saxiixday 6dii August 2015 magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Prof C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow oo warbaahinta ugu warbixiyay heshiiska ayaa sheegay kaddib sedex maalin oo xiriir ah oo ay kulamo Nairobi ugu socday ay ku go’aamiyeen in heshiis uu dhex maro wasaaradda iyo Bankiga Aduunka taasi oo lagu ogaanayo nolosha dhabta ah ee dadka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in bisha October uu bilaaban doono sahankaasi dhamaadka sanadkan ay soo bandhigi doonaan sida uu tilmaamay Wasiir Ku xigeenka.

Wasiir Ku xigeenka ayaa sheegay mudadii Nairobi ay joogeen ay kulamo la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Deeq bixiyaasha oo ay kala hadlayeen sidii wasaaradda ay ugu taageeri lahaayeen howlaha baaxada leh oo ay ku howlantahay. Wasaaradda Qorsheynta ayaa wada dadaalo dalka lagu horumarinayo.

Booliiska oo xirfadahooda kor loo qaadayo

Askar ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa 5tii August 2015 tababar sare loogu qaadayo aqoontooda looga furay dugsiga Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Wasaaradda Amniga iyo Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa 130 askari ka faa’iideysteen, kuwaas oo ka howlgelidoona gobollada dalka gaar ahaan deegaannada laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Furitaankii tababarka waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliyaha Booliiska ee ciidamada AMISOM iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Booliiska Soomaaliya Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in uu ku dadaali doono tayeynta ciidanka, islamarkaana sare loo qaadi doono aqoonta ciidanka booliiska Soomaaliyeed. Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar ayaa ka hadlay muhiimadda uu leeyahay tababarkan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in tababarrada noocan oo kale ah ay wax weyn ka tarayaan sugidda amniga dalka.

Madaxweynaha Jubbaland oo wadatashi ka bilaabay Doolow

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Ahmed Madobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa 4tii August 2015 si diiran loogu soo dhaweeyey degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Shacabka oo sitay boorar ayaa wafdiga waxa ay ku soo dhaweeyeen garoonka degmada Doolow ee gobolka Gedo ayada oo ay horkacayeen Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga Jubbaland, Mudane Cabdirashiid Cabdisalaan Janan iyo mas’uuliyiin kale.

Soo dhaweynta kadib ayaa waxaa saxaafada lahadley Axmed Maxamed Islaam oo uga mahadceliyey soo dhaweynta dadweynaha ay u sameeyeen iyo sida uu ugu faraxsanyahay booqashada uu ku tegay Degmada Doolow. Madaxweynaha Jubbalad ayaa sheegay in ujeedada safarkiisa ay tahay wadatashi iyo sidii horey loogu sii socon lahaa ee halkaan la joogo looga sii ambaqaadi lahaa.

Waa markii ugu horeysey ee uu Axmed Madoobe booqasho ku tego degmada Doolow.

Booliska Gaalkacyo oo Lacag been abuur ah qabtay

Ciidamada Booliska GalMudug ayaa 4tii August magaalada Gaalkacyo ku qabtay lacag-been abuur ah oo la doonayey in shacabka lagu qaldo. Madaxweynaha GalMudug, Mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa boggaadiyey ciidanka, kuna ammaanay dadaalkooda, isla markaana ballanqaaday in la abaal-marin doono.

Iyadoo mudooyinkii u danbeeyayba ay soo ifbaxayeen walaac laga muujinayay lacago shilin Soomaali been abuur ah, ayaa ciidamda Booliska Gaalkacyo oo in mudo ahba feejignaa ayaa waxey gacanta kusoo dhigeen qaar ka mida lacagahaasi ee soo galay suuqyada magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha ciidanka booliiska oo lacagtaasi been abuurka ah saxaafada usoo bandhigay ayaa ka warbixiyay soo qabashada lacagtaan been abuurka iyo waxa kaga qorsheeysan ciddii lagu qabto iyadoo magaalada soo galineeysa. Booliska ayaa sheegay in dambiilayaashii lagu soo qabtay lacagta gacanta lagu hayo oo Maxkamad la soo saari doono.

Duqa Dagmada Galkacyo ee dowlad Gobaleedka Galmudug mudane Bile Diini Cali oo isna ka hadlay madasha lagu soo bandhigay lacagtaan been abuurka ah ayaa uga mahad celiyay dadaalka ay u hayaan bulshadooda.

Hay’adaha Amniga oo bur-buriyey baro argagaxisadu ku dhuumaaleysanayeen

Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howgallo ay ka fuliyeen 4tii August 2015 inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ku bur buriyay baro ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, halkaasi oo ka mid ah goobo ay isku soo abaabuli jireen.

Howlgalkan ayaa ciidamadu waxa ay ku bartilmaameedsanayeen baro si dhuumaaleysi ah ay maleeshiyaadka Al-Shabaab uga sameysteen deegaanno ku yaalla inta u dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho, kuwaasi oo ay ka soo abaabuli jireen weeraro qarsoodi ah oo ay ku qaadi jireen deegaanka Lafoole iyo goobo kale.

Ciidamada oo mid mid u baarayay baraha ay xogtooda hayeen ayaa ku guuleystay inay bur buriyeen fariisin qarsoodi u ahayd maleeshiyada xagjirka ah ee Al-Shabaab, halkaasi oo ay ciidamadu ka heleen waxyaabo ay goobta uga carareen maleeshiyada.

Howlgalladan lagu bartilmaameesanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ah mid lagu cirib tirayo deegaannada ay kaga dhuumaaleysanayaan qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo howlgalkii xalay lagu bur buriyay ay dhabar jab u tahay maleeshiyaadka doonayay inay si qarsoodi ah u sameystaan baro ay bulshada ka dhibaateeyaan.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo waraaqihii aqoonsiga laga guddoomay

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa 4tii August 2015 waraaqaha safiirnimo ka gudoomay safiirka cusub oo ay dowlada Soomaaliya u soo magacawday dalka Kenya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan. Madaxweyne Uhuru ayaa aqalka madaxtooyada Kenya ee Harambee House waraaqaha aqoonsiga kaga gudoomay safiirkan cusub oo ay dowlada Soomaaliya soo magacawday.

Safiirka cusub oo ay dowlada Soomaaliya u soo magacawday dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo xarunta safaarada Soomaaliya ee magaalada Nairobi shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in uu si rasmi ah u bilaabi doono shaqadiisa. Danjire Jamaal ayaa sheegay in uu sii amba qaadi doono shaqadii uu hayay safiirkii ka horeeyay, isagoo sheegay inuu sii wadi doono xiriirka diblomaasi iyo midka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Banadir oo si habsami leh u socda

Tartanka Kubada Cagta ee degmooyinka gobalka Banaadir oo si habsami leh uga socda garoonka kubadda cagta ee Banaadur stadium ee degmada C/casiis. 2dii August 2015 ayaa waxaa cayaar wanaagsan dhexmartay cayaartooyda degmooyinka Heliwaa iyo Shangaani oo halkaas cayaar wanaagsan ku soo bandhigay taas oo soo jiidatay daawadayaashii cayaartaa.

Shangaani ayaa ku guuleysatay oo 3-2 uga adkaatay Heliwaa. Kulanka xiga ayaa waxa uu dhexmaray cayaartooyda degmooyinka Warta-Nabadda iyo Shibis, kuwaasi oo iyana dhankooda la yimid cayaar aad u wanaagsan, waxaana guud ahaan ay ku soo idlaatay 4-1 oo ay guusha ku raacday cayaartooyda ku cayaareysay magaca degmada Warta Nabadda.

Afarta koox ee maanta wada cayaaray ayaa ku wada jiray group-ka “B”, waxaana u soo daawasho tegay dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, si ay u daawadaan tartanka kubadda cagta ee degmooyinka.

Horumarka Waxbarashada Soomaliya

Munaasabad lagu soo dhaweynayo abaalmarinno caalami ah oo ay jaamacadda Oxford iyo fadhiga ganacsiga ee Yurub EBA ay guddoonsiiyeen jaamacadda SIMAD oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka socotay bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale ayaa 2dii August 2015 lagu qabtay xarunta jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.

Abaal marinadaan ay jaamacaddu heshay waxa ka mid ah ruqsad ama license ay u adeegsan karto howlaheeda suuq gaynta shanta sano ee soo socota ayadoo loo eegayo sharciga ganacsi ee boqrtooyada Britain.

Sidoo kale gudoomiyaha jamacadda SIMAd Dahir Hassan ayaa la gudoonsiiyay shahaadada ka mid noqoshada midowga akadeemiyada Oxford (Oxford Academic Union).

Ugu dambayna jaamacadda Oxford ayaa gudoonsiisay SIMAD shahaado wanaag isla markaana u aqoonsatay mid kamid ah jaamacadaha ugu wanaagsan gobolka.

Guddoomiyeyaasha Jaamicadaha Jamhuuriya, SIU, ayaa tilmaamay in abaal marintani macno gaar ah ay ugu fadhiso dadka Soomaaliyeed gaar ahaan bahda waxbarashada sare ee dalka, SIMAD-na ay tahay astaan lagu daydo.

Gudoomiyaha Jaamacadda Daahir Xasan oo tilmaamay in jaamacaddu aysan raadsanin aqoonsigaan laakin loo gartay marki la arkay dadaalka dheeraadka ah ee ay jaamacaddu ku bixinayso tayaynta waxbarshada.

Waxa uu tilmaamay in ay magaca soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan bahda waxbarasho ay ku gudoomeen hadiyadaan dadaalkana halkiisa laga sii wadi doono.

Baarlamaanka GalMudug oo ansixiyey Xeer Hoosaadkiisa

Kulanka Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Galmudug ee 1dii August 2015 oo ay soo xaadireen 46-Xildhibaan ayaa waxaa shirgodoominayay guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir, iyadoo baarlamanku uu ansixiyay xeerhoosaadkooda oo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ay ka doodayeen.

Tanoo tuseysa sida ay hay’adaha dastuuriga ah ugu dadaalayaan in nidaam dimoqraadiyad ah laga hirgeliyo Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug ayaa dhammaadkii kulanka ka hadlay natiijada ka soo baxday. “Qabyo qoraalkii xeerhoosaadkii ayaan maanta ka doodnay, dood badan kaddib si gacantaag ah ayay ku ansixiyeen, qodobo aan ka saxnay ka dib, xeerhoosaadku waa kii ay isku maamulayeen Baarlamaanku.

Xeerhoosaadkan ma khilaafsana Dastuurka, gudigii anshaxa ayaa ku jira, gudigii Dastuurka ayaa ku jira, anshaxa iyo xasaanadda Baarlamanka ayaa sidoo kale ka mid ah” ayuu yiri gudoomiye Gacal.

2 4 5 6 7 8 10 11

3

 

DHAMAAD

Previous Post

Dhismayaasha sharci darrada ah ee Afgooye oo la bur burinayo “SAWIRRO”

Next Post

Wasaradda haweenka oo kulan la yeelatay ururada Haweenka Gobolka”SAWIRRO”

Next Post
Wasaradda haweenka oo kulan la yeelatay ururada Haweenka Gobolka”SAWIRRO”

Wasaradda haweenka oo kulan la yeelatay ururada Haweenka Gobolka"SAWIRRO"

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka xal u helista Barakacayaasha oo Addis ababa lagu qabtay

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka xal u helista Barakacayaasha oo Addis ababa lagu qabtay

May 24, 2025
0

RADIO MUQDISO(ADDIS ABABA): Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gabagabeeyay shir heer gobol ah oo looga hadlayay...

Guddoomiye kuxigeenka 2-Aad ee golaha shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzaaniya

Guddoomiye kuxigeenka 2-Aad ee golaha shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzaaniya

May 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO(DAARUSALAAM): Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi Xildhibaano ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

May 23, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA, Mudane Maxamud Macallim Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ambassador Jamaal Maxamed Xasan Madaxa xarunta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

May 22, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka. Kormeerkan ayaa qeyb ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In