Wednesday, May 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay 17 September 2017

caqiil by caqiil
September 17, 2017
in Wararka
0
Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay 17 September 2017
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 17 September 2017 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

Related posts

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

May 14, 2025
Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo shahaadooyin guddoonsiiyay Urur aiyaasadeedyo

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo shahaadooyin guddoonsiiyay Urur aiyaasadeedyo

May 14, 2025

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada

14/09/217- Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii caadiga ahaa ayaa dood dheer iyo falanqeyn ka dib si aqlabiyad leh ku ansaxiyey Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida, oo muhiim u ah dib-u-habeynta ciidamada Qaranka iyo sidii dadka howlgabka ah, agoonta iyo curyaamiinta ay u heli lahaayeen xaquuqdooda aasaasiga ah. Sharcigan ayaa ahaa mid dib u eegis ku sameeyey Sharci Lr 6 ee 31kii December 1969kii, si loola saanqaado xaalada dalka ku suganyahay.

Dowladda Soomaaliya Oo Si Buuxda Loogu Wareejiyey Hawadeeda.

14/09/2017- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulisa Hawada ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar oo uu ku weheliyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yusuf Jaalle) iyo ku xigeenka maareyaha Axmed Macalin Xasan ayaa gaaray magaalada Montreal ee dalka Canada, halkaasi oo xarun u ah Hay’adda caalamiga ah ee adduunka u qaabilsan duulista Hawada ee loo soo gaabiyo (ICAO). labada dhinacna waxay isku afgarteen in si buuxda loogu soo wareejyiyo hawada Soomaaliya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ciidamada Kumandooska Danab ee XDS oo duqeyn ku dilay maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab

13/09/2017-Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Caalamiga oo is garabsanaya ayaa duqeyn culus ka fuliyay Saldhigyo Al Shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Kuunya Barroow ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Saldhigyada la weeraray ayaa hore kaga carareen Al shabaab, kaddib hawlgallo dhowr ah oo lagu beegsaday, keymaha oo ay muddo ku dhuumaaleysanayeen ayay dib ugu soo laabteen Saldhigyadan, iyagoo doonayay inay qaraxyo ka soo abaabulaan oo shacabka ay ku dhibaateeyaan, balse waxaa ka war helay Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo Caalami ah, waxaana weerar duqeyn ah habeenkii 12kii September lagu laayay Argagaxisada oo dhabar jab xoogan la gaarsiiyay.

Ra’Iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Ballan Qaday Qarashka Waxbarasho 100 Arday.

11/09/2017- Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kafaala qaaday in 100 arday oo ka baxay dugsiyada sare ee magaaladda Baydhabo uu ka bixin doono waxbarasho Jaamacadeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan qaaday in uu bixin doono qarashka ku baxaya waxbarashada jaamacadeed ilaa 100 arday oo dhamaysatay waxbarashada dugsiyada sare ee magaalada Baydhabo.

R/Wasaare Khayre oo xariga ka jaray xafiisyo lagu qabto cabashooyinka dadweynaha

10/09/2017- Xafiiskani oo loogu talagalay in in lagu qabto Cabashooyinka bulshada Soomaaliyeed ee la xiriira dhinacyada Cadaaladda iyo talo bixinta ayaa waxaa magaalaada Muqdisho ka hirgelisay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa 10kii September sirasmi ah xarigga uga jaray xaruntaasi, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo uu kamid ahaa Wasiirka Cadaaladda.

Dowlada Soomaaliya oo sameyneysa Siyaasada iyo Sharciga ka hortaga Tahriibka

16/9/2017 – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Mohamed Guled (Khadar) ayaa shir-guddoomiyey kulanka Guddiga heer Wasiir ee Maareynta Siyaasada Tahriibka oo looga hadlay muhiimada ka hor-taga tahriibka oo dhib weyn ku haya dhalinyarada dalka, oo in badan ay khasaaro ka soo gaartay tahriibka badaha. Waxana la isku raacay in siyaasad iyo sharciyadba laga soo diyaariyo Tahriibka, si kulanka danbe looga wadatashto. Wasiirada kulanka ka qeybgalay ayaa ku nuuxnuuxsaday ahmiyada isku-xirka iyo xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah bacdamaa arrinka Tahriibka uu saameynayo hay’ado badan, loogana baahanyahay in laga wada shaqeeyo si dhalinyarada loogu abuuro shaqo, looga wacyigeliyo khatarta tahriibka, loona dareensiiyo in dalkooda ay horumariyaan ay uga fiicantahay tahriib iyo inay naftooda geliyaan khatar weyn.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Qabatay Shirka Bilaha Ah.

14/09/2017- Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhammaan agaasimayaasha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaana shir guddoominayey wasiirka waxaana diiradda lagu saarayey howlaha wasaaraddu ay qabatay bishaasi iyada oo si gaar ah loo eegayey waxyaabihii u qabsoomay Wasaaraadda Arrimaha Dibadda. Sidoo kale shirkan ayaa intii uu socday lagu casuumay Wasiirka Qorsheynta Iyo Maalgashiga, Jamaal Xasan. Aragti Iyo talooyin muhiim ah ayaa la isku weydaarsaday kuwaas oo ku wajahan sida ugu habboon ee ay labada Wasaaradood isaga kaashan lahaayeen dhinacyada ay howlahoodu is khuseeyaan.

Maxamed Cabdi Waare oo loo doortay Madaxweynaha HirShabelle

16 September 2017 – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta ee Dowlada Federaaalka Soomaaliya ayaa sheegay in doorashadii ka dhacday Jowhar ay u dhacday si dimoqraadiyad ah, kuna ammaanay Baarlamaanka HirShabelle. Golaha Shacabka ee Dowlad Goboleedka HirShabelle ayaa doortay Maxamed Cabdi Waare inuu noqdo Madaxweynaha HirShabelle ka dib markii uu helay 74 cod halka Dahir Awale oo la tartamayey uu helay 23 cod. Doorashadan ayaa timid ka dib markii Baarlamaanka HirShabelle uu xilkii Madaxweynenimo ka xauubiyeen Cali Cadullaahi Cossoble. Doorashadan ayaa 16kii September 2017 u dhacday si nabad ah oo dimoqraadiyad leh oo xildhibaan walba uu codkiisa u dhiibanayey six or ah, iyadoo Dowlada Federaalka ay goobjoog ka aheyd doorashada.

Wadatashi Sharciga Socdaalka oo lagu qabtay Muqdisho

12 September 2017 ayaa kulan wadatashi oo dib u eegis loogu sameynayo sharciga socdaalka, oo ay ka qeybgaleenn qaar ka mid ah hay’adaha dowlada iyo bulshada rayidka ah ayaa si rasmi 12kii September uga furmay magaalada Muqdisho. Wasiirada Shirka ka soo qeyb galay ayaa ka dalbaday quburada loo soo xulay in ay ka qeyb galaan wax ka badalka sharciga Socdaalka oo ay is waafajiyaan xaalada uu hada dalku marayo iyo sharcigan, Shirkan Wadatashiga ah ayaa waxaa lagu qaban doonaa mudo seddex bilood gudahood ah dhamaan Maamul goboleedyada dalka ka dibna waxaa loo soo gudbinayaa Golaha Wasiiradda si ay uga doodaan oo ay baarlamaanka ugu gudbiyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddada Janeral Daa’uud

10/09/2017- Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho mudane Thabit Cabdi Maxamed ayaa dhagax dhigay waddada Janaraal Daa’uud ee isku xirta Daljirka daahsoon iyo Baar Ayaan ee waddada 30-ka. Waddadan ayaa ah mid muhiim u ah isu socodka shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayna burbursanayd tan iyo burburkii uu soo gaaray waddanka.

DHAMAAD

 

 

 

Previous Post

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Kismaayo uga qeyb galay kulan dadweynaha lagu fahamsiinayey shuruucaha dalka

Next Post

R/Wasaare ku xigeenka oo soo xiray tababar ku saaabsan hababka doorashooyinka+Sawirro

Next Post
R/Wasaare ku xigeenka oo soo xiray tababar ku saaabsan hababka doorashooyinka+Sawirro

R/Wasaare ku xigeenka oo soo xiray tababar ku saaabsan hababka doorashooyinka+Sawirro

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

May 14, 2025
0

Wasiika Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo xubnaha Guddiga Maamul-Wanaaga Maaliyadda ee magacooda loo soo gaabiyo (FGC)...

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo shahaadooyin guddoonsiiyay Urur aiyaasadeedyo

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo shahaadooyin guddoonsiiyay Urur aiyaasadeedyo

May 14, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ah ee ururnimo guddoonsiiyey urur-siyaasadeedyo cusub oo soo buuxiyay...

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

May 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirtay muddo...

Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

May 14, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa si cad u sheegay in maamulka uu go’aansaday in uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In