Friday, May 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 13, 2014
in Keydka Sawirrada, Wararka, Xulashada
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 13 December 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Baarlamaanka oo Kalsoonidii kala laabtay Xukuumadda, Horumarka Dhismaha Garoonka Diyaaradaha,   Bilad Sharaf la guddoonsiiyey Hay’ada Elman,  Horumarka Tayeynta Ciidanka XDS, Horjooge Al-Shabaab oo gacanta Dowladda lagu soo wareejiyey, Muhiimada Xuquuqal Insaanka, tayeynta Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, iyo Horumarka Warbaahinta Dalka.

Baarlamaanka oo Kalsooni kala laabtay Xukuumadda

Related posts

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Go’aankii Baarlamaanka ee Kalsooni kala noqoshada Xukuumadda ayaa yiri “ Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa 6dii December 2014 soo afjaray khilaafkii siyaasadda oo in muddo ahba hakisay shaqadii qaranka. Baarlamaanka ayaa si dimoqraadiyad ah u codeeyey mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda oo 153 xildhibaan ay u codeeyeen Haa, halka 80 Xildhibaan ay u codeeyeen Maya, iyadoo labo xildhibaan ay ka aamustay. Ra’iisul Wasaare Abdiweli Sheikh Axmed ayaa soo dhoweeyey go’aanka baarlamaanka sheegeyna inuu u hoggaansan yahay. Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhoweeyey go’aanka baarlamaanka kuna ammaanay Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa shaqadii ay qaranka u soo qabteen. Ergeyga gaarka ah ee QM ayaa isagana soo dhoweeyey go’aanka baarlamaanka. 10kii December 2014 ayaa Golaha Ammaanka ee QM ay bayaan ka soo saareen go’aankii baarlamaanka iyagoo sheegay in loo baahanyahay in hiigsida 2016 la dar-dargeliyo.”

Horumarka dhismaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadalayey horumarka dhismaha garoonka diyaaradaha ayaa yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 9kii December 2014 kormeer ku tagay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyey. Madaxweynaha ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehliyey wasiir ku xigeenka Duuliska iyo Hawada ee Soomaaliya. Shirkadda Favori ee dalka Turkiga oo wada dhismaha garoonka  ayaa war-bixinno siiyey Madaxweynaha, iyagoo sheegey in labo bilood gudahooda uu terminal-ka howlgali doono. Madaxweynaha ayaa sheegay in horumarkan uu yahay mid u adeegaya shacabka Soomaaliyeed, isla markaasna uu garoonka diyaaradaha uu la mid noqon doono kuwa caalamiga ah.”

Bilad Sharaf la guddoonsiiyey Hay’ada Elman

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey bilad sharaf la gudoonsiiyey Hay’ada Elman ayaa yiri “Xaflad lagu qabtay Jarmalka oo ay ka soo qeybgaleen Madax Ka Socotay Xukuumada  iyo Xildhibaanada Jarmalka, Siyaasiyiin, Ururo, Ganacsato Iyo Urur Ay Ku Mideysan yihiin Dhakhaatiirta Jarmalka, iyo Ururada Samafalayaasha ee Dalka Jarmalka ayaa bilad sharaf lagu gudoonsiiyey Marwo Fartuun Cabdisalaan Xaaji Adan oo ah Madaxa Hay’adda Elman. Fartun ayaa aheyd Xaaskii Elman oo ku caan baxay ilaalinta xaquuqda bani’aadanka, wax u qabashada caruurta iyo dhalinyarada, isla markaana u furay goobo farsamada ay ku bartaan, isagoo lagu xasuusto murtidii aheyd QAATA QALINKA TUURA QORIGA. Gudoomiyaha Jaaliyada Somali Diaspora Asli Axmed Maxamuud ayaa soo dhoweysey abaalmarinta la guddoonsiiyey Hay’adda Elman. Xaflada ayaa lagu soo bandhigay filimo iyo sawiro ka turjumayay Waxqabadka Xarunta Elman. Madaxa Xarunta Xisbiga SPD Kurt ayaa si rasmi ah halkaasi ku guddoonsiiyay Abaal Marinta Sanadka 2014 ee Dowlada Jarmalka Ugu Talagashay Hay’ada Elman. Qudbad mahadcelin ah oo ay halkaasi ka jeedisay Fartuun Cabdisalaan ayaa sheegtay in Hay’ada Elman ay sii wadayaan horumarinta Xaquuqda Bani’aadanka ee Soomaaliya.”

Horumarka Tayeynta Ciidanka XDS

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka tayeynta ciidanka XDS ayaa yiri “Wasiirka Gaashaandhiga  Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa 8dii December 2014 gaaray degmada Tayeglow ee gobolka Bakool, si ay tababar ciidan ugu soo xiraan 400 askari. Ciidanka ayaa muddo 4 bilood ah waxaa u socday tababar lagu kordhinayo tayadooda iyo xirfadahooda ciidan, tanoo qeyb ka aheyd qorshaha Wasaarada Gaashaandhiga ee ah in dhammaan deegaanada dalka oo dhan laga keeno ciidamo tayeysan. Maamulka Gobolka Bakool iyo kan degmada Tayeglow iyo bulshada qeybaheeda kale oo halkaas ku soo dhoweeyey Wasiirka ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’antahay inay dowladda ku taageeraan la dagaalanka kooxaha Al-shabaab.”

Horjeege Al-Shabaab oo gacanta Dowladda lagu soo wareejiyey

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horjooge Al-Shabaab ah oo dowladda loo soo gudbiyey ayaa yiri “Hay’adaha Amniga ayaa 9kii December 2014 Muqdisho ku soo bandhigay horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka suxufiyiinta oo lagu magacaabo Xasan Xanafi Xaaji. Danbiilahan ayaa ciidamda Kenya ay ku soo qabteen Nairobi isagoo ku dhuumaaleysanaya ka dib markii hay’adaha amniga Soomaaliya ay u gudbiyeen warbixinta danbiilahaas. Baaritaan ayaa ku socda dambiilaha oo ku aadan danbiyadii uu horey u galay, iyadoo la horkeeni doono sharciga. Afhayenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in Xasan Xanafi uu soo maleegay shirqoolo dhowr ah oo lagu dilay wariyeyaal ay ka mid yihin Allaha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi, Sheekh Nuur Maxamed Abkey, Saciid Tahliil, Muqtaar Maxamed Hiraabe iyo Suxufiyiin kale. Suxuufiyiinta Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyey qabashada danbiilahan codsadayna in sharciga la waafajiyo si loo joojiyo dilalka suxuufiyiinta Soomaaliyeed.”

Muhiimadda Xaquuqul Insaanka

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey weyneynta Maalinta Xaquuqul Insaanka ayaa yiri “Wasaarada Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ayaa Muqdisho ku qabtay munaasabad lagu xusayay 10-ka December oo ah maalinta Xaquuqul Insaanka, iyadoo Qarmada Midoobey ay fududeysay barnaamijkan. Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ceydiid Il-ka-Xanaf iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamul gobaleedyada, ururada bulshada, fanaaniin, iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay xafladan. Ujeedada xafladda ayaa aheyd sidii bulshada looga dhaadhicin lahaa horumarinta Xaquuqul Insaanka iyo sidii sharafta iyo karaamada shaqsiga Soomaaliyeed loo weynen lahaa. Sidoo kale waxaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay ilaalinta Xuquuqda Aadanaha oo keeneysa horumar dhan walba ah oo uu dalku gaaro. Wasiirada ayaa ka warbixisay qorshaha wasaaradda iyo waxyaabihii u qabsoomay ee dhanka Xaquuqul Insaanka sheegtayna inay ka go’antahay in la xoojiyo arrimaha Xaquuqul Insaanka.”

Tayeynta Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey tayeynta shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa yiri “Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane ayaa hay’adaha maaliyadda u soo xiray tababar la xiriira maareynta iyo kobcinta aqoonta shaqaalaha ka howlgala, waxaana goob joog ahaa Wasiiru Wasiiru- Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur. Ujeedada tababarkan ayaa aheyd sidii shaqaalaha Maaliyadda ay u gudan lahaayeen howl maalmeedkooda iyadoo la waafajinayo maamul wanaag, isla xisaabtan iyo furfurnaan. Mudane Xuseen Cabdi Xalane ayaa kula dardaarmay shaqaalihii dhamaystay saminaarka in ay duruusta la baray dalka iyo dadka uga faa’iideeyaan, kuna dabaqaan shaqada ay ummada u hayaan, midkastana waxaa la gudoonsiiyey shahaadada ka qayb galka saminaarka. Mudane Xuseen Cabdi Xalane ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda Maaliyadda ay wado qorshayaal ujeedadiisu tahay in kor loo qaado hufnaanta iyo furfurnaanta hannaanka miisaaniyadda Qaranka, in si wanaagasn looga shaqeeyo isku-dheelli-tirka miisaaniyadda iyo in kor loo qaado miradhalka kharaashaadka dawladda.”

Horumarka Warbaahinta Dalka

Wasiirka Warfaafinta oo ugu danbeyntii ka hadlayey horumarka Warbaahinta Dalka ayaa yiri “Waxaan Abu-Dhabi uga qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Warbaahinta oo aan caalamka la wadaagnay dadaalada iyo horumarka joogtada ah ee Wasaaradda Warfaafinta ay maalin walba ku tallaabsatay. Shirkan ayaa diiradda lagu saarayey sidii warbaahinta ay uga qeybqaadan laheyd la dagaalanka argagaxisada oo aan halkaas ku soo bandhignay barnaamijyada aan ku wacyigelino bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku aadan sidii looga fogaan lahaan falalka argagaxisada isla markaasna warbaahinta oo dhan ay uga shaqeyn laheyd dhiirigelinta barnaamijyada nabadeynta bulshada. Sidoo kale caalamka oo dhan ayaa laga dhageystay horumarka uu dal walba ka sameynayo oo waddamadii soo bandhigay ay ka mid ahaayeen UK, US, Pakistan, UAE, Indonesia iyo waddamo kale. Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii loo dhiiri gelin lahaa barnaamijyada nabadeynta iyo sidii dhalinyarada loogu abuuri lahaa shaqo si ay uga fogaadaan falalka argagaxisada.”

DHAMAAD – Wasaaradda Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha, [email protected]

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Shir Sanadle ah oo ay Safaaradda Soomaaliyeed ee Koofur Afrika u qabatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalkaasi ku nool

Next Post

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo hub ay wateen oo la soo bandhigay

Next Post

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo hub ay wateen oo la soo bandhigay

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
0

Ugu yaraan 48 qof ayaa la soo wariyay in ilaa hadda la dilay ,iyadoo 32 ka mid ah lagu dilay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlay wabaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka gaarka ah...

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

May 9, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS ayaa horumar ka sameysay heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In