Monday, January 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socday baarlamaanka oo kulamo kula qaata Khartuum Wasiiradowlayaasha Tacliinta iyo Iskaashiga caalamiga’SAWIRRO”

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socday baarlamaanka oo kulamo kula qaata Khartuum Wasiiradowlayaasha Tacliinta iyo Iskaashiga caalamiga’SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Wafdigii ka socday Barlamaanka Soomaaliya oo maalmahan booqashada ku joogay dalka Suudaan oo uu horkacayay gudoomiyaha gudiga arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble   ayaa maanta kulan la qaatay Wasiiru dowlaha Wasaaradda tacliinta sare ee  suudaan Dr.Atijaani Mustaha Maxamed Saalax.

Related posts

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

January 4, 2026
Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada

January 4, 2026

Kulankaas ayaa waxaa goob joog ka ahaa dhanka wafdiga Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa iyo xildhibaan, Prof. Cabdiraxmaan Aadan Ibbi, iyadoo dhanka Safaaraddana u joogay uqaybsaha warfaafinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan Fiidow Maxamuud Fiidow.

Wafdiga ayaa kala hadlay arrimo badan oo dhanka tacliinta sare ah iyo deeqaha waxbarasho  ee dowladda Suudaan siiso dowladda Soomaaliya, iyadoo wasaaradda tacliinta tahay mida loo soo marsiiyo deeqahaas dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiqadir Cosoble oo ah madaxa wafdiga ayaa warbixin ka siiyay sida uu hada xaalka yahay iyo heerka waxbarasho ee Soomaaliya gaartay xiliyadii dambe oo horumar weyn la gaaray, isagoo sidoo kale sheegay in horumar badan dowladda soomaaliya ku talaabsata maalmahii ugu dambeeyay.

Wasiir Tajaani oo isna hadalka qaatay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu arko wafdi heer baarlamaan ah oo Soomaaliya ka socda uuna aad usoo dhawaynayo, wasiirka ayaa intaasna ku daray in ay dowladda Suudaan diyaar u tahay in ay sii kordhiso deeqaha waxbarasho ee dowladda Suudaan ugu deeqdo dowladda walaalaha yihiin ee Soomaaliya.

Sidoo kale wafdiga ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa Wasiiru dowlaha iskaashiga caalamiga ah  Mudane Xuseen Sharif  Ibrahiin Al-hindi iyadoo labada dhinac ka wada hadleen sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha quseeya iskaashiga caalamiga ah ee labada dowladood iyo labada hay’adood.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda iskaashiga caalamiga ah ee Suudaan ayaa isagana sheegay in ay diyaar u yihiin in ay tabaro u fidiyaan shaqaalaha wasaaradda iskaashiga caalamiga, isigoo xusayna in ay jiraan qaabab casri ah oo hada wasaaraduudu ku shaqayso oo ah mid heer calami ah iyo mid heer gudi ah.

Gudiga oo howlahiisa shaqo ku kuga jira ayaa sidoo kale kulan la qaatay golaha saaxiibtinimada diblumaasiyadda shacabka oo xaruntoodu tahay magaalada khartoum, waxa ayna warbixin ka dhagaysteen golahaas iyo sida ay u  shaqeeyaan.

Kadib kulankaas ayaa waxaa laysla gartay in la sameeyo gole saaxiibtinimo oo ka shaqeeya diblumaasiyadda shacabka Soomaaliya iyo Suudaan, iyadoo labo gole laga kala sameenayo Muqdisho iyo Khartoum.

Sidoo kale waxaa laysla gartay in la sameeyo tobaadka dhaqanka oo laga kala sameenayo Muqdisho iyo Khartoum kaasoo lagu soo bandhigayo hidaha iyo dhaqanka labada shacab ee Soomaaliya iyo Suudaan, laysna waydaarsado booqashooyin fanaaniin ah si dhanka is dhexgalka dhaqanka loo soo celiyo.

Wafdiga ayaa lagu wadaa in uu Suudaan sii joogo ilaa maalinta jimcaha oo ay booqashooyinkooda soo gabagebeyn doonaan iyagoo hishiisyo la saxiixan doona baarlamaanka dowladda Suudaan.

IMG_2157 IMG_2126 IMG_2124 IMG_2164 IMG_2166 IMG_2169 IMG_2171 IMG_2172 IMG_2159 IMG_2158 IMG_2117 IMG_2123W/D:Yuusuf Kashmiir   Suudaan 

 

Previous Post

Tababbar lagu baranayey u adkaysiga Aafooyinka oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Waa Sidee Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne C/Kariim Xuseen Guuleed?

Next Post
Waa Sidee Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne C/Kariim Xuseen Guuleed?

Waa Sidee Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne C/Kariim Xuseen Guuleed?

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

January 4, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay...

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada

January 4, 2026
0

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya ayaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku qabatay kulan wadatashi ah oo ah...

SoDMA oo wajiga 3aad ee mashruuca cuna qeybinta soo gabagabeeyay

SoDMA oo wajiga 3aad ee mashruuca cuna qeybinta soo gabagabeeyay

January 4, 2026
0

Xilli abaarta ka jirta dalka ay gaartay heer halis ah, ayaa Hay’adda SoDMA soo gabangabeysay mashruuc cunto-qeybin ah (wajigii 3-aad)...

Defence Minister receives British Embassy’s Chargé d’Affaires to Somalia

Defence Minister receives British Embassy’s Chargé d’Affaires to Somalia

January 4, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today received the Chargé d’Affaires of...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In