Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wejiga koowaad ee shrika Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD oo la soo gabo gabeeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wajiga koowaad ee shirka Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD ayaa la soo gabo gabeeyay, iyadoo iminka ay leeyihiin shir Albaabadu u xiranyihiin oo saxaafaddu ay dibad joog ka tahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u furay shirka Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD ayaa ka hadlay muhiimadda uu shirkan u leeyahay Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Madaxweynaha ayaa beesha caalamka gaar ahaan dowladaha Urur Goboleedka IGAD uga mahadceliya sida ay u garab istaageen Soomaaliya, isagoo xusay in nabadgelyada Soomaaliya ay xilligan tahay mid la isku haleyn karo, taasi oo suurte gelisay marigelinta shirka.

“Tani waxa ay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay ku talaabsatay Nabad iyo horumar, waa guul taariikhi sidoo kale tani waxaa suurta geliyay markii ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM ay ku guuleysteen in meelo badan oo dalka ka mid ah ay ka saareen maleeshiyaadka Al-Shabaab” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalin oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dowladaha IGAD ay sii wadi doonaan taageerad ay siinayaan Soomaaliya, isagoo xusay in tani ay fursad u tahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ethiopia Dr Tedros Adhanom oo shirka ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in ajandeyaasha ugu muhiisan ee shirka looga hadlayo ay ka midyihiin horumarka ay dowladdu ku talaabsatay, hirgelinta hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka iyo dar dargelinta howlaha amniga.

Shirka oo ah kii 53aad ee Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa in si rasmi ah gelinka dambe ee maanta la soo gabo gabeeyo, isla markaana laga soo saaro qodobo wax ku ool ah, iyadoo uu shirkan noqonayo muddo 29 sanno kaddib in shir ceynkan oo kale lagu qabto caasimadda Soomaaliya.

Previous Post

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Xasan “Inta uusan dhamaan sanadkan Madaxweyneyaasha Urur Goboleedka IGAD shir ayay ku yeelan doonaan Muqdisho”

Next Post
Madaxweyne Xasan “Inta uusan dhamaan sanadkan Madaxweyneyaasha Urur Goboleedka IGAD shir ayay ku yeelan doonaan Muqdisho”

Madaxweyne Xasan “Inta uusan dhamaan sanadkan Madaxweyneyaasha Urur Goboleedka IGAD shir ayay ku yeelan doonaan Muqdisho”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In