Tuesday, November 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wejigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaariijta oo ka bilaabanaya Koonfur galbeed.

Ikraan Maxamed by Ikraan Maxamed
3 years ago
in Wararka
0
Ciidanka xoogga dalka oo kala wareegay Khawaarijta deegaanka Beer-faarax.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

November 4, 2025
Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
Safarka Madaxweynaha oo ahaa kii saddexaad ee uu ku tago magaalada Baydhabo intii uu xukunka hayey ayaa ku qotomay xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis iyo sidii uu miro dhal u noqon lahaa shirkii dib u heshiisiinta koonfur-galbeed ee halkaas lagu soo gabo gabeeyey,looguna gudbi lahaa wejiga labaad ee hawlgalka dalka loogu xoraynaho khawaariijta.

Hawgalada dib loogaga xorraynayo deegaanadda koonfur-galbeed ayaa dhowaan ka bilowday gobolka shabeellaha hoose iyadoo dhowaan halkaas hawlgal ka dhacay lagu dilay 136 xubnood oo ka tirsanaa khawaariijta,sidoo kale waxa halkaas looga gubay saanad ciidan waxa sidoo kale goobtan looga dilay 3 horjooge oo ka mid ahaa horjoogeyaasha sar sare ee kooxda khawaariijta u qaabilsanaa dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khubad ka jeediyey shirkii dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay waajib tahay in la isu kaashado sidii dalkan looga xorayn lahaa khawaariijta,Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in umadda Soomaaliyeed ay leedahay hal cadow oo la yiraahdo Al-shabaab, dowladduna ay dalka oo dhan ka wado dagaal safmar ah oo guuleystay, kaas oo magaalooyin badan looga xorreeyey khawaarijta“Barnaamij dagaal oo dalka looga xorreynayo khawaarijta ayaa dowladdu dajisay, wajigiisa 1-aad ayaana gabogabo ah, wajiga 2-aad halka ugu horreysa ee laga bilaabayo waa Koonfur Galbeed, waxaana laga xoreynayaa laga soo bilaabo xadka Itoobiya illaa bad weynta oo ah dhul ballaaran ”.ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in siyaasadda dowladdu ay tahay in awoodda la isugu geeyo in dalka laga xoreeyo kooxda khawaarijta ee cadowga ku ah shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmamay in la isku furayo wadooyinka muhiim ah ee ay go’doomiyeen khawaarijtu ee isku xira goboladda dalka.

“haddii la isku furo wadooyinka xariiriya Muqdisho iyo koonfur galbeed oo laga saaro shabaab, lama ogolaanayo in isbaaro la dhigo, lama yeelayo, dadaalkii ugu dambeeyay ayaa socda oo ku aadan in dhammaan dalka laga saaro shabaab, awooda iyo qorsha 1-aad ee dowladdu waa in guud ahaan dalka laga sifeeyo khawaarijta “. ayuu yiri Mudane Xasan Sheekh.

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur-galbeed ayaa ku dhawaaqay in koonfur galbeed mudo bil ah looga xoraynayo kooxaha khawaariijta” wax aan diyaarinay ciidamo tababarro kala duwan qaba,sidoo kale si weyn ayaa maamulka iyo shacabka koonfur galbeed ugu diyaar garoobeen dib u xorraynta deegaanadda” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Laftagreen iyadoo durba la bilaabay abaabul ciidan oo ka socda Gobolada koonfur galbeed oo dhan kuwaas oo ka mid yihiin kooxda Jameecadda Sh Cabdiraxmaan Banaani oo mudo dheer dagaal kula jirtay kooxda khawaariijta iyo sidoo kale Ciidanka dulmi diid oo isna mudo dagaal kula jiray kooxda khawaariijta.

Previous Post

Ciidamada amaanka oo gacanta kuso dhigay darawal gaari xamuul ah oo dil geystay.

Next Post

Golaha Wasiirrada XFS oo maanta ansixiyay dhowr Hindise sharciyeed

Next Post
Golaha Wasiirrada XFS oo maanta ansixiyay dhowr Hindise sharciyeed

Golaha Wasiirrada XFS oo maanta ansixiyay dhowr Hindise sharciyeed

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

November 4, 2025
0

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dhankiisa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go'antahay xoojinta...

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Suleymaan,...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In