Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 hours ago
in Wararka
0
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo Xareynta Dakhliga Dowladda ee ka soo xarooda adeegga Baasaboorka.

Ujeeddada kulankan waxa ay ahayd xoojinta fahamka natiijooyinka qiimeynta, iftiiminta meelaha u baahan horumarinta, iyo dhiirrigelinta wada-shaqeyn joogto ah oo dhexmarta hay’adaha Dowladda, si loo hubiyo in dakhliga Dowladda loo maareeyo si waafaqsan sharciyada iyo habraacyada dakhliga.

Related posts

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, waxaana goob-joog ahaa Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud, Mudane Cabdijamal Ismaaciil Maxamed.

Agaasimaha dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Feisal Mohamed Hashi, ayaa kulanka ka jeediyay hadal uu ku iftiimiyay muhiimadda ilaalinta dakhliga Dowladda, isla markaana Xafiiska Hantidhowrka Guud uga mahadceliyay doorka uu ka qaato hubinta iyo dabagalka dakhliga. Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay saraakiil ka socotay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Waaxda Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda.

Intii uu kulanku socday, waxaa si faahfaahsan looga hadlay natiijooyinka qiimeynta, iyadoo diiradda la saaray muhiimadda ay leedahay in dakhliga Dowladda lagu qabto laguna shubo Khasnadda Mideysan ee Dowladda (TSA), si loo waafajiyo shuruucda iyo habraacyada maareynta maaliyadda dalka. Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay khataraha ka dhalan kara ku qabashada dakhli meel ka baxsan nidaamka rasmiga ah, waxaana lala wadaagay saraakiisha talo-soojeedinno lagu xoojinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka, iyo ilaalinta dakhliga Dowladda ee ka soo xarooda adeegyada Dowladda.

Xafiiska Hantidhowrka Guud waxa uu mahadcelinayaa dhammaan masuuliyiinta iyo saraakiisha ka soo qeybgalay kulanka, isagoo adkeynaya muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo dadaallada ilaalinta hantida Qaranka iyo horumarinta maamulka maaliyadda guud ee dalka.

Previous Post

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In