Wednesday, August 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafiiska Xalka Waara oo kulan la qaatay ganacsatada Jubbaland

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Xafiiska Xalka Waara oo kulan la qaatay ganacsatada Jubbaland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa maanta kullan wadatashi ah magaalada Kismaayo kula yeeshay ganacstada Maamul Goboleedka Jubbaland.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฒ๐š

August 18, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026

Wadatashigaan ayaa diiradda lagu saaray doorka ganacsatadu ku leeyihiin dedaalada Xalka Waara loogu raadinayo barakacayaasha Maamul Goboleedka Jubbaland, kuwaas oo isugu jira dad ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo sidoo kale dadka ku barakacsan gudaha deegaanada Jubbaland, iyada oo furitaanka shirka ay goobjoog ka ahaaayeen qaar ka mid ah Wasiiradda wasaaradaha uu barnaamijku quseeyo oo kala ah; Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Howlaha Guud, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Maamulka Magaalada Kismaayo, Hayโ€™adda Qaxootiga Jubbaland, Rugta Ganacsiga Jubaland iyo khubaro iyo hawl wadeeno ka socday Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka.

Wadatashiga oo ka mid ah fulinta istiraatijiyadda xalka waara ayaa waxa lagu falanqayeey kaalinta ay ka qaadan karaan ganacsatada Jubbaland dadaalada xalka loogu raadinayo shacabka ku barakacay gudaha Jubbaland iyo kuwa ka soo laabtay xeryaha qaxootiga dalalka dariska ah, iyada oo la raacayo halbeegyada Istaraajiyadda Qaran ee Xalka Waara (2020-2024) taas oo ay ku cadyihiin ahmiyadda qorshe hawleedyada ay tahay in la fuliyo.

Ugu dambeyntii, madaxda Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo xubno ka mid ah Rugta Ganacsiga Jubaland ayaa boggaadiyay dedaalada socda iyo Istaarajiyada ka mira-dhalinta qorshe howleedka si loo gaaro himilada guud ee ah qaxootiga iyo barakacayaasha in ay helaan xaquuqda ay helaan bulshada inteeda kale, ayna ugu weyn tahay xuquuqda baahiyaha aas aasiga ah.

Previous Post

Soomaaliya oo guddoomindoonta Wakaaladda CDC ee Bariga Afrika

Next Post

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo Shir la qaatay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta

Next Post
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo Shir la qaatay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo Shir la qaatay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฒ๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฒ๐š

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH โ€œFARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMOโ€

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH โ€œFARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMOโ€

August 18, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga...

Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar Safiir oo cusub

Somalia Receives Copies of Credentials from Four New Ambassadors

August 18, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali Abdi, received the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In