Afhayeen u hadlay dacwad oogaha sare ee gobolka, Letitia James, ayaa sheegay in baaritaanka lagu sameeyay shirkadda Mr Trump in uusan sii ahaan doonin mid madani ah.
Ms James ayaa sheegtay in baaritaanka lagu hayo hantida madaxweynihii hore uu bilowday ka hor inta uusan xafiiska imaanin.
Trump ayaa diiday in uu wax khalad ah sameeyay isagoo sheegay in dacwadan ay wadaan xeer ilaaliyaha dimoqraadiga ah ay siyaasad ka dambeyso.
Bayaan ka soo baxay waaxda caddaaladda laguma sheegin in baaritaanka uu ahaa madani sidoo kalena lagama sheegin madaxweynaha qudhiisa eedaha wax ku leeyihiin, badanaa kiisaska madaniga ah shakhsiga ama hantidiisa gaarka ah ayay khuseysaa dacwadda.
Xeer ilaaliyaha New York Ms James ayaa baaritaanka bilowday bishii Maarso kolkaas oo Trump hantidiisa ka been sheegay si uu amaah ugu qaato bankiyada isla markaana hoos u dhigo heerka canshuurta .
Xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa raadinaya documentiyada affar hey’adood oo Trump leeyahay kuwaas oo kala ah, daaradaha uu ku leeyahay degmada Manhattan, Upstate New York, Chicago iyo Los Angeles.
Xeer ilaaliyaha degmada Manhattan Cyrus Vance Jr ayaa dukumiintiyada maxkamada ka sheegay bishii Ogosto ee la soo dhaafay in xafiiskiisa uu baarayo “fal dambiyeed daba dheeraaday” oo ka dhacay hay’ada Trump.
Diiwaangelinta sharciga ah ee Mr Vance waxay xustay maqaallo wargeysyo ku saabsan bangiga la sheegay iyo khayaanada caymiska ee shirkadda.
Qareenka degmada Manhattan ayaa sidoo kale baarey in mid ka mid ah diiwaanada maaliyadeed ee Mr Trump la qirey si loo qariyo lacagaha shushugga ah ee la siiyo laba haween ah sanadkii 2016 kuwaas oo sheegay inay arrimo la leeyihiin.
Xafiiska Mr Vance ayaa sheegay in bishii Febraayo ay heleen canshuur celinta Mr Trump oo qeyb ka ah baaritaanka, kadib dagaal dheer oo dhanka sharciga ah.
Intii uu madaxweynaha ahaa, Mr Trump wuxuu si adag u diiday inuu shaaca ka qaado canshuur celintiisa, in kasta oo uu cadaadis weyn saarey.