Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaflad soo dhaweyn ah oo gudoomiyaha ururka dhalinyarada Hiiraan loogu sameeyay Muqdisho (SAWIRO)…

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xaflad soo dhaweyn ah oo gudoomiyaha ururka dhalinyarada Hiiraan loogu sameeyay Muqdisho (SAWIRO)…
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad si heersare loo soo agaasimay ayaa maalinti shalay aheyd oo ay taarikhdu ku begneyd 02-01-2015 lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ujeedka munaasabada ayaa aheyd soo dhaweyn iyo taageerid loo sameeynayay Muna Xasan Maxamed oo dhawaan loo doortay Gudoomiyaha  Ururka Dhalinyarda Gobolka Hiiraan.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Munaasabada ayaa waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah xildhibaanada Dowladda federalka Soomaaliya, wasaarka Dhalinyarada iyo Sportiga, ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, ururka dhalinyarada Qaranka, Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, ururka midowga ardeyda jaamacadaha, Abwaniin, iyo dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Munaasabada ayaa waxaa daah furay qaar ka mid ah dadka ka soo jeeda gobolkaas ayagoo Muna u soo jeediyay ammaan iyo bogaadina,  waxa ayna ballanqadeen in ay la shaqeynayan Muna ayna ku faraxsanyihiin in ay hoggaan u noqoto dhalinyarada gobolka Hiiraan.

Muna oo muddo badan ka soo shaqeysay arrimaha bulshada ayaa ka soo qeyb galaysha munasabadda ku amaaneen doorkeda waxqadbka lahaa ee ay horey ugu soo shaqeysay gobolka iyo waliba meelo ka baxsan gobolka.

Gudomiye ku xigeenka ururka dhalinyada Qaranka Soomaaliyeed  Maxamed Cabdirashiid oo halkaasi ka hadlay ayaa shegay in ay Muna si dhow ula shaqeyndoonaan  ayna soo dhaweynayan ka dhalinyaro ahan.

Xoghayaha guud ee ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Faadumo Aadan Cosoble ayaa Muno ugu hanbalyeysay xilka loo doortay waxa ayna sheegaty in ay u qalnto Muna xilkan iyo mid ka sii weyn,  maadama ay ilaa yaraanteda ka soo shaqeyneysay arrimaha bulshada..

Marwo Faadumo Aadan oo hadalkeda sii wadata ayaa balanqaadey in Muna loo sameyndoona Caleemo saaar lagu qabandoono Gobolka Hiiraan caasimadiisa Magaalada Baledweyn

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaashii ka qeybgalay xafladda ayaa hambalyo iyo soo dhaweynba u muujiyay Gudoomiyaha Cusub Muna Xasan isagoo  balanqaaday in Muna uu u galbindoono gobolka, ayna ka qeybgalayan caleema saarka loo sameyndo,

Sidoo kale xildhibaan Cabdullahi Maxamed Aadan ‘Shaacir” ayaa isna ku amaanay dadaalka Muna ay ugu jirto hormarinta dhalinyarada yarada iyo bulshada.

Gabagabadii Munaasabada ayaa waxaa hambalyo dhanka talefanka ah ugu soo qeybqaatay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku  nool Sucuudi, koonfur Afrika,Dubia, America iyo Yurub,  ayagoo dhaamaan u hambalyey Muna una rajeyay in ay xilkeda gudato.

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan Muna Xasan Maxamed, oo xaflada soo xirtay ayaa  ka qeybgalaysha uga mahadnaqday taageerada ay u muujiyeen, iyadoo balanqaadday in ay wax muuqda ka qabandoonto baahida dhalinyarada gobolka si siman oo laheyn eex iyo nin jecleysi.

DSC01882 DSC01893 DSC01894 DSC01912 DSC01924 DSC01928 DSC01957 DSC01976 DSC01995

 

Previous Post

Tartan isboorti oo lagu soo gabo gabeeyay degmada Xamar weyne

Next Post

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay (Sawirro)

Next Post
Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay (Sawirro)

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay (Sawirro)

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In