Thursday, July 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaflada Lagu Dhiira Galinayay Arday Ku Tartamay Aqoon Oo Beledweyne Lagu Qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 31, 2015
in Wararka
0
Xaflada Lagu Dhiira Galinayay Arday Ku Tartamay Aqoon Oo Beledweyne Lagu Qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna siinayay abaalmarino tartamayaal ku guuleystey tartan aqooneedka bisha Ramadan ee ka baxayay Radio Hiiraanweyn oo ku yaala magaalada Beledweyne ayaa lagu qabtay magaalada Beledweyne ee  xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan iyo qeybaha kale duwan ee Bulshada.

Tartan aqooneedkan oo ahaa kii saddexaad ee ay qabato Radio Hiranweyn oo ka mid ah idaacadaha gaarka loo leeyahay ee ka jira magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku tartamayay xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Beledweyne iyadoo tartankuna uu ahaa mid dhagaystayaal faro badan ay kala socdeen idaacada iyo livestreamkaba.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

July 17, 2025
Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

July 17, 2025

Munaasabadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay maamulka degmada Beledweyne, aqoonyahano, dhalinyaro, ururada haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.Guddoomiyaha Guddiga tartan aqooneedka Jamaal Cali Cabdi oo ka hadlay xaflada ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa uu soo maray tartanka isagoo xusay in uu tartanka ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan tartamayaashii ka qeybgalayna ay ku qanceen natiijada tartanka.

Maamulka Sare ee Idaacada Hiranweyn Maxamed Cismaan Makaraan oo ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in ujeedka tartanka uu ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta daka isla markaana bulshada ay isku dhexgeli lahayd.
Ugu dambayntii waxaa xaflada ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka degmada Beledweyne Bashiir Xuseen Dhoore, waxana uu guddoomiye ku xigeenku u mahadceliyay Radio Hiranweyn oo soo qabanqaabisay tartankan iyo dadkii ka qeybgalayba.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka soo qeybgalo xafladan lagu abaalmarinayo tartamayashii barnaamijka Tartan aqooneedka waxana aan ka codsanayaa idaacada Hiranweyn in ay sii wado barnaamijyada noocan oo kale oo bulshada faa’idada u leh.”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka degmada Beledweyne Bashiir Xuseen.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Beledweyne ayaa guddoonsiiyay abaalmarino lacageed saddexdii tartame ee ka galay tartan aqooneedka kaalmaha hore.

tartan aqonedbwe (10)

tartan aqonedbwe (9)

tartan aqonedbwe (8)

tartan aqonedbwe (7)

tartan aqonedbwe (6)

tartan aqonedbwe (5)

tartan aqonedbwe (4)

tartan aqonedbwe (3)

tartan aqonedbwe (2)

tartan aqonedbwe (1)

Previous Post

Dhismihii Safaaradda Soomaaliya Ee Talyaaniga Oo Dib Loogu Soo Celiyay Gacanta Soomaaliya

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

July 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), nudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ka qeybgalay kulan heer sare ah oo ay isugu yimaadeen...

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

July 17, 2025
0

Muddo haatan laga joogo 35 sano kadib, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay war laliskii ugu horeeyay...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo kormeeray Xarunta Cusub ee Jowhar

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo kormeeray Xarunta Cusub ee Jowhar

July 17, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cabdirahman Daahir Guure (Karoorre) iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.

July 17, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In